Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay weheliyaan taliyaha ciidanka xoogga, Taliyaha ciidanka dhulka, Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha dhexe iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeer dhiirro-galin ah ugu tagay xooggaga xoreynta deegaanka Daaru Naciim ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Mas’uuliyiintan ayaa ku bogaadiyay xooggaga deegaanka ee Daaru Naciim guulaha muhiimka ah ay ka soo hooyeen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo cadowga ay ka xoreeyeen deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Hirshabeelle.
Khawaarijta Al-shabaab oo cadow ku ah nolosha iyo horumarka bulshada ayaa burburiyay goobihii caafimaadka, waxbarashada, ceelashii biyaha, dugsiyadii qur’aanka iyo masaajidda, waxayna dowladda federaalka dadaal xooggan ku bixisay sidii dib loogu soo celin lahaa deegaanadaas adeegyada ay Bulshada u baahan yihiin ee argagixisadu waxyeelada gaarsiisay.