Tuesday, June 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tababar Ku Saabsan Maareenta Waqtiga Oo Loo qabtay Shaqalaha Dowladda

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
December 25, 2022
in Wararka
0
Tababar Ku Saabsan Maareenta Waqtiga Oo Loo qabtay Shaqalaha Dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Federaalka,ayaa soo xiray Tababar ku saabsan Maareynta Waqtiga iyo u Hoggaansanaanta Sharciga iyo Anshaxa Shaqada.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Cusman Libaax Ibraahim, ayaa maanta soo xiray tababar ku saabsanaa maareynta waqtiga iyo u hoggaansanaanta sharciga iyo anshaxa shaqada.

Related posts

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025

Munaasabadda xiritaanka, ayaa waxa goob joog ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Abdullahi Maxamed Cali, iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Cilmi baarista Mudane Salaad xuseen cabdullahi.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshadda xukuumada federaalka soomaaliya aya xiritaanka tababarka ka sheegay muhiimadda ay leedahay sare u qaadida aqoonta iyo xirfadaha shaqo ee shaqaalaha dowladda.

‘‘Sare u qaadida aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha dowladda waxay muhiim u tahay howlaha shaqo ee hor yaala xukuumadda federaalka soomaaliya si muwaadiniinta soomaaliyeed u helaan adeeg ku dhisan tayo iyo xirfad sare’’ayuu ku daray Wasiir ku xigeenka.

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshadda xukuumada federaalka soomaaliya Mudane Cusmaan Libaax ibraahim,ayaa goobta ka sheegay

‘‘joogteynta tababaradda waxay dowr weyn ka qaadan karaan tayadda adeega shaqo ee Wasaaradda bixiso’’

Tababarka maanta la soo xiray oo uu bixinaaye khabiir ka tirsan Wasaaradda, Mudane Salaad Xuseen Cabdulle, ayuu diiradda ku saaray Maareynta Waqtiga iyo u Hoggaansanaanta Sharciga.

Gabagabadda, munaasabadda Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshadda xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Mudane Cusmaan Libaax Ibraahim, ayaa ku booriyey shaqaalaha in ay joogteeyaan ka qaybgalka tababaradda Wasaaradda bixiso, Wasaaradda waxa ay mas’uul ka tahay tababaradda shaqaalaha dowaladda, iyadoo qorshaha sanadka soo socda uu noqon doono in la kordhiyo tababarada ay bixiso Wasaaradda.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda ayaa yiri ” waa inay dhammaan shaqaalaha Dowladda soo xaadiraan goobahooda shaqadda, lana sameeyo suul saarka soo galidda iyo ka bixista shaqadda’’.





 

Previous Post

Wasaaradda Maaliyadda Oo Soo Bandhigtay Qorshaha Horumarinta dhaqaalaha 2023

Next Post

Wasaaradda Qorsheynta ka shirtay dardargelinta qorshaha hortebinta u leh Wasaaradda

Next Post
Wasaaradda Qorsheynta ka shirtay dardargelinta qorshaha hortebinta u leh Wasaaradda

Wasaaradda Qorsheynta ka shirtay dardargelinta qorshaha hortebinta u leh Wasaaradda

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
0

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Maleeshiyaadka Khawaarijta   Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waaberigii...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda XFS Yuusuf Maxamed Aadan oo loogu soo dhaweeyay garoonka diyaarada magaalada Algeris ee Caasimada...

Wararka 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

Wararka 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

June 23, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo caawa xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, kaga qeyb-galay munaasabad casho...

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

June 22, 2025
0

RADIO MUQDHISHO:  Guutada 9aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo lagu burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta ka sameeyay deegaanno...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In