Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Guure ayaa soo xiray shir muddo labo maalmood Magaalada Muqdisho ugu socday Ururka Ganacsatada Haweenka Soomaaliyeed.
Guddoomiye Ciise ayaa ku amaanay ganacsatadii madasha joogtay kaalinta wax ku oolka ah oo ay ka qaateen Haweenka dib u dhiska dalka, gaar ahaan Gobolka Banaadir. Asigoo kula dar -daarmay in ay sii labo – laabaan dadaalka ay uga qayb qaadanaayaa shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.
Ugu danbeyntii Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir ayaa ku wargaliyey Haweenka Ganacsatada Soomaaliyeed in Maamulka Gobolka Banaadir uu ka caawin doonno u qareemidda ganacsatada guud ahaan, isla markaana uu abuuri doonoย jawi suurto-gal ka dhigaya kobcidda ganacsigooda. Iyadoo muhiim ay tahay buu yiri in laga wada shaqeeyo horumarka Ganacsiga “Wada shaqeynteennu waa tubta guusha”.