Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay xaaladda dalka, ayaa codsi iyo farriin u diray shacabka ku nool caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Madaxweynahaa ayaa si gaar ah bulshada caasimadda Muqdisho ugu adkeeyey in ay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka oo u howlan fashilinta dhagarta ay u soo maleegayaan Khawaarijta Al-Shabaab.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka garaabay jadadkii laga xiray bulshada caasimada maalmihii uu Muqdisho joogay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyey sida uu uga xun yahay jidadka la xiray muddadii uu martida u ahaa dalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, taas oo uu ku tilmaamay duruuf ay sababtay xaaladaha amni oo lagaga bixi doono dhammeystirka xoreynta deegaannada ay dalka kaga harsan yihiin argagixisada Alshabaab,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay Madaxtooyada Soomaaliya.