Wednesday, November 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Ururka Midowga Africa iyo Hawlgalka ATMIS Ambassador Souef Mohamed El-Amine.

Wasiirka iyo Wakiilka Midowga Africa ayaa ka wadahadley arrimaha ammaanka, gaar ahaan hawlgalada milateri ee ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab, shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhowaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, barnaamijyada xasilinta iyo dib u heshiisiinta iyo qodobo kale.

Related posts

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

November 25, 2025
Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

November 25, 2025

Wasiirka ayaa uga warbixiyay Wakiilka Midowga Africa guulaha ay Ciidamada  Xoogga Dalka oo kaashanaya shacabka ka soo hoyeen dagaalada lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo barnaamijka dowladda ee baahinta hawlgalada ka dhanka ah argagixisada.

Waxaa sidoo kale uu Wasiirka uga waramey Ergeyga Midowga Africa horumarka dhanka siyaasadda ee dalku hiigsanayo iyo natiijooyinkii ka soo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho ku dhexmarey madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Dowlad Goboleedyada ka jira Soomaaliya.

Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Souef El-Amine ayaa dhankiisa waxaa uu soo dhoweeyay guulaha Dowladda Soomaaliya ka soo hoyday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabab, wadatashiyada siyaasadeed iyo dadaalada dib u heshiisiinta ee dalka ka socda.

Labada dhinac ayaa isku afgartey in la xoojiyo iskaashiga iyo wadashaqeynta ka dhexeeya Soomaaliya iyo ATMIS.

Previous Post

Guddoomiye Maxamuud Macalim oo Ankara kula kulmay Guddoomiyaha Hay’adda TIKA

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay sharciga miisaaniyadda sanadka 2023-ka

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay sharciga miisaaniyadda sanadka 2023-ka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay sharciga miisaaniyadda sanadka 2023-ka

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

November 25, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray Shirweynaha Labaad ee Aqoonsiga Qaranka (SNIDC2025), oo muddo...

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

November 25, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Safiirka Dowladda aan...

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), isaga oo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah iyo awoodaha uu sinayo Xeerka Doorashooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In