Friday, March 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Ururka Midowga Africa iyo Hawlgalka ATMIS Ambassador Souef Mohamed El-Amine.

Wasiirka iyo Wakiilka Midowga Africa ayaa ka wadahadley arrimaha ammaanka, gaar ahaan hawlgalada milateri ee ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab, shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhowaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, barnaamijyada xasilinta iyo dib u heshiisiinta iyo qodobo kale.

Related posts

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026
Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

March 20, 2026

Wasiirka ayaa uga warbixiyay Wakiilka Midowga Africa guulaha ay Ciidamada  Xoogga Dalka oo kaashanaya shacabka ka soo hoyeen dagaalada lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo barnaamijka dowladda ee baahinta hawlgalada ka dhanka ah argagixisada.

Waxaa sidoo kale uu Wasiirka uga waramey Ergeyga Midowga Africa horumarka dhanka siyaasadda ee dalku hiigsanayo iyo natiijooyinkii ka soo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho ku dhexmarey madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Dowlad Goboleedyada ka jira Soomaaliya.

Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Souef El-Amine ayaa dhankiisa waxaa uu soo dhoweeyay guulaha Dowladda Soomaaliya ka soo hoyday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabab, wadatashiyada siyaasadeed iyo dadaalada dib u heshiisiinta ee dalka ka socda.

Labada dhinac ayaa isku afgartey in la xoojiyo iskaashiga iyo wadashaqeynta ka dhexeeya Soomaaliya iyo ATMIS.

Previous Post

Guddoomiye Maxamuud Macalim oo Ankara kula kulmay Guddoomiyaha Hay’adda TIKA

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay sharciga miisaaniyadda sanadka 2023-ka

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay sharciga miisaaniyadda sanadka 2023-ka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay sharciga miisaaniyadda sanadka 2023-ka

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026
0

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa saakay si...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

March 20, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

March 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta munaasabadda Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee...

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

March 19, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aadan Munaasabadda Ciidul Fitriga u diray shacabka Soomaaliyeed iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In