Friday, December 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/W Xamse Oo Kulan La Qaatay Guddiga Doorashooyinka ee Xiriirka Kubadda Cagta 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
R/W Xamse Oo Kulan La Qaatay Guddiga Doorashooyinka ee Xiriirka Kubadda Cagta 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha, Maxamed Barre Maxamuud iyo Guddiga Doorashooyinka ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed.

Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa kala hadlay masuuliyiinta cayaaraha dhowr arrimood oo muhiim ah oo ku saabsan doorashada Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo la filayo in dhowaan la qabto iyo sidii fursado loogu abuuri lahaa dhallinyarada ku sugan goobaha laga xoreeyay Khawaarijta.

Related posts

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

December 25, 2025
Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

December 25, 2025

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Guddiga looga fadhiyo inuu qabto doorasho caddaalad ku dhisan, iyadoo la raacayo shuruucda u degsan xiriirka. Waxa uu ka digay in aan la aqbali karin is barbar yaac, isaga oo kula dardaarmay in Guddigu ka feejignaado in dhinac gaar ah ay la saftaan.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in rajo weyn laga qabo dhallinyarada 17 jirka ah ee guusha soo hooyay, isla markaana aan loo baahneyn in lagu niyad jabiyo is qabqabsi dhexdooda ah.

Dhinaca kale, waxaa Mudane Xamse Cabdi Barre uu sheegay in Wasaaradda iyo Xiriirka laga doonayo inay abaabulaan cayaaro iyo is dhexgal bulshada iyo dhallinyarada ku sugan goobaha Khawaarijta laga xoreeyay, isla markaana dhallinyarada loo dhiso garoomo ay ku ciyaaraan.



 

 

Previous Post

Guddoomiyaha G/Shacabka Oo shir Guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 7-aad Ee BJFS

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Hadlay Ciidanka Ku Jira Xerada Jeneraal Goordan

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Hadlay Ciidanka Ku Jira Xerada Jeneraal Goordan

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Hadlay Ciidanka Ku Jira Xerada Jeneraal Goordan

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

December 25, 2025
0

Muqdisho, Diseembar, 25, 2025; Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa maanta codkeeda ka dhiibatay Seejada Xarunta...

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

December 25, 2025
0

Muqdisho, Diseembar 25, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayso Marwada Koowaad ee dalka Marwo...

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

December 25, 2025
0

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda oo ku hadlaysa magaca dhammaan diblumaasiyiinta safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

December 25, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga dhiibtay codkiisa doorashada Golaha Deegaanka ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In