Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo maanta guddoomiyey shirkii toddobaadlaha ahaa ee Wasaaradda, ayaa waxa looga hadlay qorsheyaasha horyaala Wasaaradda, xoojinta isla-xisaabtanka iyo weli ba siddii loo fulin lahaa balan-qaadkii wax-qabad ee dhawaan Wasiirku la galay Ra’iisal Wasaaraha dalka Mudane Xamse Cabdi Barre.
Shirka oo sidoo kale ay Wasiirka ku wehlinayeen Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Mudane Cabdisalam Sharif Xuseen iyo Wasiir ku xigeenka Cismaan Maxamed Cabdi (Daallo), ayaa si kor looggu qaado isla-xisaabtanka loona xaqiijiyo fulinta balanqaadkii Ra’iisal Wasaaraha, waxa uu Wasiirku fulinta balanqaadkaas la saxiixday Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Mohamed Saney Dalmar si hawlaha shaqo ee hor-tebinta leh looggu sameeyo kor-joogtayn, daba-gal iyo isla-xisaabtan dhab ah kaas oo Agaasimaha Guud na uu Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda ku daba-geli doono fulinta balan-qaadka 2023 ee Wax-qabadka Wasaaradda.
Wasiirka Wasaaradda Xildhibbaan Jibriil Cabdirashiid oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa Agaasimeyaasha Wasaaradda kula dardaarmay siddii looga soo bixi lahaa mas’uuliyadda shaqo ee hortaala Wasaaradda isla-mar-ahaantaana la la yimaado dedaal dheeri ah oo lagu xaqiijinaayo fulinta balan-qaadkaas, isaga oo carabka ku adkeeyey in cid kasta lagu la xisaabtami doono hawlaha shaqo ee horyaala ee la doonayo in lagu qabto sanadkan cusub gudahiisa ee 2023.
Balan-qaadkan Wax-qabad, ayaa ku salaysan Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo weli ba sidoo kale siyaasadda Xukuumadda DAN-QARAN ee Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre, waxaana ay taabanaysaa dhammeystirka heshiisyada ganacsi, xeerarka, siyaasadaha fududeynaya sidoo kale na horumarinaya ganacsiga, unkidda jawiga Maal-gashiga, soo noolaynta Warshadaha, Warshadeynta iyo Wax-soo-saarka dalka iyo weli ba sidoo kale horumarinta Tayo-dhowrka dalka si wax loogga qabto badeecadaha tayadoodu liidato ee loo soo dhoofiyo Soomaaliya.