Gudoomiyaha Hay’adda maareeynta masiibooyinka Qaranka Maxamud Macallin Cabdulle ayaa la kulmay Gudoomiye kuxigeenka Hey’adda maareeynta Masiibooyinka Turkiga ee loo yaqaan AFAD.
Labada dhinac ayaa kawada hadlay iskaashi & wadashaqeyn.
Hey’adda maareynta masiibooyinka ee AFAD ayaa si gaar ah uga taageeri doonta dhisidda kaabayaasha muhiimka u ah maareeynta qataraha iyo musiibooyinka.
Kulanka kadib wafdiga Hey’adda ayaa booqday Xarunta dhexe ee isku daba ridka iyo maareeynta Musiibooyinka dalka Turkiga.