Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maxamed Xasan Maxamed Bulale ayaa galabta booqasho shaqo ku tagay Xarunta dhexe Shaybaarka Qaranka kaas oo qabta dhamaan howlaha baarista iyo ka hortaga cudurrada iyo dib xaqiijinta Baartaanadda lagasoo qaado dhamaan gooba kala duwan ee Dalka
Wasiirka Ku xigeenka ayaa sidoo kale ka warbixin ka dhagaystay Maamulka iyo howlwadennada ka shaqeeya Shaybaarka Qaranka, kadibna waxa uu kormeeray dhamaan qaybaha uu ka koobanayahay Shaybaarka iyo qalabka yaalla.
Ugu dambaynti, Dr Maxamed Xasan Maxamed ayaa shaqalaaha kula dardaarmay in ay dar dargaliyaan howlaha baaxadda leh oo ay uhayaan bulshada Soomaaliyeed isla markaana mas’uuliyadda saaraan in ay u gutaan si hufan lagunala xisaabtami doono.