Monday, February 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo la kulmay wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo la kulmay wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kula kulmay Danjireyaasha dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Itoobiya, Wakiillada Gaarka ah ee Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa uga warbixiyey miro-dhalka halkan dalka lagaga xoreynayo argixisada Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa xusay sida naf-hurnimada leh ee Ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ay u xoreeyeen deeganno badan oo ka tirsan Gobollada Shabeellaha Hoose, Hiiraan iyo Galguduud, taas oo muujinaysa sida ay uga go’an tahay dowladda in ay ka cirib-tirto dalka argagixisada caqabadda ku noqotay dowladnimada iyo horumarka dadka Soomaaliyeed.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay maanta u mideysan yihiin xoreynta dalka, waxa uuna ku adkeeyey Wakiillada Beesha Caalamka in ay ku gacan siiyaan halgankaas, gaar ahaan olalaha qaadista cunaqateynta hubka ee saaran Soomaaliya oo muhiim u ah dagaalka ka dhanka argagixisada.

Dhankooda, Wakiillada Beesha Caalamka ayaa bogaadiyey howlgallada xoreynta deegannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, waxa ayna tilmaameen in ay ku garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan gurmadka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka ku sugan deegaannada la xoreeyey.

Previous Post

Guddiga Xeer-hoosaadka anshaxa G/Shacabka oo kulmay

Next Post

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Maxaas

Next Post
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Maxaas

Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Maxaas

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In