Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Hirshabeele Mudane Cabdifitaax Maxamed Yuusuf ayaa soo gaaray Xarunta Howlgalladda Gurmadka Degdegga ah ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed.
Agaasimaha ayaa ka waxbixiyey xaaladihii ugu danbeeyey ee Qaraxii ka dhacay Degmada Maxaas ee Gobalka Hiraan, waxa uuna u mahadceliyey Howlwadeenada Hay’adda SoDMA oo kaalin weyn ka geestay Gurmadka Qaran ee loo fidinayo Dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Maxaas.
Cabdullaahi Maxamed Cabdi (Qaran) oo ah isku duwaha Howlaha Gurmadka Degdegga ah ee Gurmadka Qaraxii Maxaas ayaa sidoo kale ka warbixiyey Gurmadka ay wadaan Howlwadeenadda Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka.