Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Awqaafta XFS oo booqasho rasmi ah ku tagay Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Awqaafta XFS oo booqasho rasmi ah ku tagay Boqortooyada Sacuudi Carabiya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Awqaafta iyo Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cali, Agaasimaha Waaxda Xajka iyo Cumrada Mudane Eng. Xamdi Cabdiraxmaan Ismaaciil iyo Lataliye Sare Mudane Maxamed Kheyrow Aadan ayaa gaaray magaalada Jedeh ee Dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyagoo halkaas ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo qaadanaysa mudo todobaad ah.

Wafdiga Wasiirka waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Jideh kusoo dhaweeyay Qunsulka Guud ee Qunsuliyada Soomaaliya ee Jideh Boqortooyada Sacuudi Carabiya Qunsul Macruuf iyo saraakiil sar sare oo ka socday Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Wasiirka iyo Wafdigiisa inta ay joogaan Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxa ay la kulmi doonaan Wasiirka Arrimaha Xajka iyo Cumrada ee Boqortooyada Sacuudiga Mudane Dr. Towfiiq Bin Fowzan Al- Rabiicah, iyagoo kawada hadli doona howlaha la xiriira gudashada acmaasha Xajka sanadka 1444H/2023.

Previous Post

Xildhibaannada Golaha deegaanka Degmada Gaalkacyo oo ka shiray ajandayaal muhiim ah

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamse oo daahfuray Kacdoonka Haweenka Muqdisho 

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamse oo daahfuray Kacdoonka Haweenka Muqdisho 

Ra’iisul Wasaare Xamse oo daahfuray Kacdoonka Haweenka Muqdisho 

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In