Thursday, June 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixin Ku Saabsan Dhismaha Waddo Laami Ah Oo Dhisan Ku Dhawaad 50sano 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
January 9, 2023
in Wararka, Warbixinno
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Laamigaan oo dhisan Muddo ku dhow 50 sano ah ka hor, ayaa ah mid ka mida dhaxalka dheemankaa ee shacabka Soomaaliyeed kala hareen Dowladdii dhexe Soomaaliya. Balse mudadas dheer ka dib aan helin Dayactir iyo Daryeel bulsho toona.

Warbixinteenan waxaa si gaara uga waramaynaa inka badan 20 buundo oo uu leeyahay laamiga inta u dhexaysa Gaalkacyo iyo Galinsoor oo qaarkooda qarka u saaran yihiin inay go’aan.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”

June 12, 2025
Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

June 12, 2025

Shan ka mida Buundooyinka, ayaa qarka u saaray inay Go’aan haddii aan laga gaarin maalmaha soo socda sida uu sharaxayo Eng Cabdi Axmed Cilmi (Ilkacse) oo ah Isxilqaame aqoontiisa ugu deeqay ogaanshaha Dayactirka ay u baahan yihiin buundooyinka.

Sanadkii 1972dii oo la dhisay Waddadaan iyo Buundooyinkaan ku tixan, Miisaanka Gaadiidka loogu Talogalay, ayaa 12tan iyo 20 Sano oo kasta in dayactir lagu sameeyo Sida uu noo sheegey Xuseen Maxamed Kadiye oo kamid ahaa Shaqaalihii shirkaddii shiinaha ee dhisma laamigaan.

Bur burka Waddadaan waxay saamayn gaara ku leedahay Gaadiidka isaga kala goosha Gaalkacyo ilaa Caasimada Galmudug, kuwaas oo xamuulka ka soo qaada Boosaaso iyo Barbara, Maxamed Cabdiwali (isgowrac) waa wade Gaari isjiid ah, waxa uu nala wadaagay Caqabada ay ku qabaan wadadaan iyo Canshuurta Fara badan ee laga qaado.

Dhowr isku day oo Dhallinyarada degmada Bandiiradley ku doonayeen inay ku cayshaan mid kamida buundooyinka ugu halista badan isla markaana qarka u saaran inay go’aan, ayaa dalbaday in lagala qeyb qaato dhismaha Labo buundo oo ku yaala Bandiiradley iyo Degaanka Baagga balaqay oo labadu Halis yihiin.

Guddoomiyaha degaanka Dagaari Nageeye Xasan Haybe, ayaa tilmaamay maamulkiisa, kan saddex Higlo iyo Bandiiradley ba ay qaadanayaan doorkooda ku aadan Dayactirka Buundooyinkaan, balse awood ahaan aysan ku filnayn.

Baaxad halista ka soo socota wadadaan oo wax laga qaban, ayaa ah mid saamayn weyn ku yeelanaysa Maaliyadda Galmudug oo ku tiirsan, isku socodka Bulshada Gobolada Dalka, sigaara Galmudug. Waxaana taas silooga Baaqsado arrintaan soo bandhigisteeda u istaagay Koox Wariyaal ah, kambaniga Star Group oo lahaa kaalinta ugu muhiinsan ee Gadiidka safarka.

Qoray:Baashi Hobyo





Previous Post

Wasiirka Ganacsiga XFS Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Dowladda Turkiga 

Next Post

Guddiga Shirka Dib-u-hishiinta KGS Oo Kulan La Qaatay Sarakiisha Lamaha amniga

Next Post
Guddiga Shirka Dib-u-hishiinta KGS Oo Kulan La Qaatay Sarakiisha Lamaha amniga

Guddiga Shirka Dib-u-hishiinta KGS Oo Kulan La Qaatay Sarakiisha Lamaha amniga

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”

June 12, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay Markabka “Oruc Reis” oo ku howlanaa baarista Shidaalka...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

June 12, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

June 12, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalam Cabdi Cali ayaa kulan rasmi ah la yeeshay...

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

June 11, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ah guddoomiyaha Madasha Iskaashida Dalalka Geeska Afrika ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In