Wasiirka Ku-Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Maxamd Xasan Maxamed Bulaale ayaa kulan laqaatay tiirka Arimaha Bulshada ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha iyo Gudddiga Arimaha Bulshada ee Golaha Shacabka ay hogaamineyso Guddoomiye Xilibaan Nadra Salaad Cabdi.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray halbeegyada waaweyn ee qorhseysan Wasaaradda ee ku aadan horumarinta Adeegga Cafimaadka dalka iyo dedegjinta howlaha sida gaarka ah mudmnaanta u leh sida Sharicga Dawaada, Howlaha Caafimaad ee ku aadan Qorshaha Xasilinta Goobaha Dib looga xoreeya Al-Shabaab iyo Guud ahaan hiigsiga Wasaaradda Caafimaadka.
Madaxda ka socotay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha iyo Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Shacabka ayaa bogaadiyay sida wanaagsan uu Wasaaradda u wado shaqada ay u idmantay Wasaaradda Caafimaadka, iyagoo sheegay in Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha iyo Gudddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Shacabka ay mudnaan dheeri ah siinayaan howlaha horutabinta weyn u leh Wasaaradda Caafimaadka.