Thursday, June 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Khawaarijta oo qaarijiyay Horjooge sare iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa isla kooxda

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Khawaarijta oo qaarijiyay Horjooge sare iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa isla kooxda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta ah Al-Shabaab ayaa deegaanka Buq Aqable oo ka tirsan gobolka Hiiraan, ku qaarijiyey horjooge sare iyo Maleeshiyaad kooxda ka tirsanaa kadib markii uu dagaal toos ah dhex maray laba garab oo Khawaarijta ka tirsan.

Horjooge C/kariin Yuusuf Axmed, oo loo yaqaan (Ina Qoor Madoobe) oo horey usoo noqday horjoogihii Maleeshiyada Khawaarijta ee degmada Aadan Yabaal iyo deegaanka Moqo Kori oo ka wada tirsan dowlad goboleedka HirShabelle ayaa xalay abaare 9:00kii fiidnimo lagu qaarijiyey deegaanka Buq Aqable oo 40KM dhanka Galbeed kaga beegan degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

June 17, 2026

Qaarijinta Horjoogahan ayaa ka dambeysay kadib markii muran uusoo kala dhex galay isaga iyo horjoogayaal ka tirsan kooxda kaasi oo ku aadanaa in lasii daayo Odayaal ay dhowaan kooxdu kasoo qafaalatay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan taasi oo Horjooge Ina Qoor Madoobe ay la qabeen Maleeshiyaad gaaraya 50meeyo oo ku heyb ah.

Ilo Wareedyo ku sugan deegaanka ay ku dagaalameen Maleeshiyaadka Khawaarijta dhexdooda ee Buq Aqable ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyey in dagaalka oo socday mudo saacad iyo bar ah uu markii hore bilaabay horjoogaha la qaarijiyey isaga oo toogtay ilaa Afar Maleeshiyo ah oo is hortaagay in uu la baxo Odayaasha oo isla gacanta Khawaarijta ku jiray taasi oo uu kala kulmay ka biyo diidid xoog leh.

Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in sidoo kale dagaalka lagu qaarijiyey Afar kale oo ka mid ah Maleeshiyaadka ku heybta ahaa Horjoogaha la khaarijiyey sidoo kale iyana dhankooda laga dilay Afar ruux taasi oo qasaaraha guud ee Khawaarijta Xalay ay iska dileen ka dhigeysa 8 ruux oo mid ka mid ah uu ahaa Horjooge sare oo kooxda ka tirsan.

Weli deegaanka Buq Aqable waxaa ka taagan xiisad u dhaxeysa Maleeshiyaadkii Khawaarijta ee uu hogaaminayey Horjoogihii la qaarijiyey ee C/kariin Yuusuf Axmed  (Ina Qoor Madoobe) kuwaasi oo weli isku aruursanaya deegaanka ay Al-Shabaab dhexdooda ku dagaalameen ee Buq Aqable ayadoo Horjoogayaashii baxshay amarka qaarijinta ayaguna ay ku sugan yihiin gudaha magaalada kuwaasi oo heysta maleeshiyaad u daacad ah.

Dagaalkan ayaanan aheyn dagaalkii ugu horeeyey ee dhex mara Khawaarijta dhexdooda oo lagu qaarijiyo Maleeshiyaad iyo Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab, todobaadkii hore ayey aheyd markii ay sidaan oo kale Maleeshiyaad ka wada tirsan Khawaarijta ku dagaalameen deegaan hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayadoo dagaalkaasina ay khawaarijtu isaga dileen Toboneeyo ruux.

Geesta kalena Khilaafkan ayaa kusoo biiray khilaaf aad u weyn oo waayahan kooxda ka dhex taagnaa ayadoo khilaafyadaasi dhammaantood ay sabab u yihiin jabka kooxda Khawaarijta ka gaaray howlgallada bilihii ugu dambeeyey ka socday gobollada Dalka kuwaasi oo Maleeshiyaadka Al-Shabaab loogu geystay jab xooggan.

Previous Post

Ciidamada Isra’iil oo xabsiga dhigay muwadiniin Falastiiniyiin ah.

Next Post

Guddoomiyaha gobobolka Banaadir oo maanta daah-furay shirka banbaxa maamulka gobolka

Next Post
Guddoomiyaha gobobolka Banaadir oo maanta daah-furay shirka banbaxa maamulka gobolka

Guddoomiyaha gobobolka Banaadir oo maanta daah-furay shirka banbaxa maamulka gobolka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay fanaanka Saalax Sanaag, Abwaan Cabdiraxmaan...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

June 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta khudbad ka jeediyay Shirweynaha 11-aad ee Our Ocean...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

June 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

Wafdi ka socda labada Aqal ee Baarlamaanka FS oo ka qeyb galaya Shirweynaha 2-aad ee Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika.

Wafdi ka socda labada Aqal ee Baarlamaanka FS oo ka qeyb galaya Shirweynaha 2-aad ee Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika.

June 17, 2026
0

Wafdi ka socda labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka qayb galay Shirweynaha 2-aad ee Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In