Iyadoo la fulinayo mid ka mid ah qodobadii ugu muhiimsanaa ee lagu kala saxiixday heshiiskii nabadeed ee laba bilood ka hor lagu gaaray Addis Ababa, si loo soo afjaro dagaalkii ka socday gobolka dhaca waqooga Itoobiya ee Tigre, ayay Jabhadda Tigreega waxay ku dhawaaqeen in maanta oo Arbaca ah bilaabeen inay Dowladda dhexe ku wareejiyaan Hubkii ay ku dagalamayeen.
Afhayeenka Jabhadda Tigreda Getachew Reda, ayaa sheegay in Dowladda Fedaraalka ay ku wareejiyeen Hubkii culculaa ee ay ku dagalamayeen, taasi oo qeyb ka ah fulinta heshiiskii Pretoria ee 2-dii ย bishii November ee sanadkii tagay ย ay ku kala saxiixdeen Dowladda federaalka Itoobiya iyo fallaagada Tigreda.
Tallaabadan ayaa so oaf meereysa dagaallo qaraar oo ka bilowday gobalka Tigre bishii Noofambar 2020, markaasoo Raโiisul wasaare Abiy Axmed uu u diray ciidamada federaalka inay soo xiraan saraakiisha gobolka oo ka soo horjeestay maamulkiisa.
Kooxda xasaradaha caalamiga ah iyo Heyโadda Amnesty International, ayaa bogaadiyay tallaabadan, waxayna shegeen in tani ay u arkaan inay tahay mid horumarineysta nabadda gobalka.