Xildhibaannada Haweenka ee Golaha Shacabka BJFS ayaa ka qeyb-galay Dood-wadaag,uu soo Qaban-qaabiyay Xafiiska Raisulwasaaraha taasoo la xariirtay, Dib-u_milicsiga Qoondada Dumar ay ku lahaayeen, Hanaanaka Doorashada 2022.
Intii ay socotay,Dood wadaaga,waxaa goobta ka hadlay, Madaxdii iyo Mas’uuliyiintii kala duwanaa, ee kasoo qeyb-galay, oo ay ugu horeeyaan Xildhibaanada Haweenka, ee kujira Baarlamaanka 11aad ee Golaha Shacabka ayagoo aad ugu dheeraaday marxaladihii iyo caqabadii soo wajahay, intii ay socotay Doorashadii Dadbaneyd ee Dalka ka dhacday 2022.
Dhanka kale, waxaa dhankooda ka hadlay, goobta, Gudiyadii FEIT iyo SEIT, ayagoo sheegay Heerarkii kale duwanaa, ay soo martay Doorashadii Dadbaneyd ,gaar ahaan Qoondada haweenka,maadama ay qeyb ka hayd, heshiiskii 17September ilaalinta Qoondada Haweenka 30% ayagoona sheegay inay hoos udhacday, Xildhibaanada Haweenka ee kujira Baarlamaanka 11aad ay yihiin 20% halka Baarlamaanka 10aad ay ahaayeen haweenka 24%..