Cabdi Xasan Qooreey oo ka mid ahaa kooxaha khawaarijta ayaa isu soo dhiibay ciidanka dowladda ee ku sugan degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan.
Cabdi Xasan oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo ciidamada dowladda, isla markaana uu qeyb ka noqdo ciidanka la dagaalamaya khawaarijta.
Dhinaca kale,Guddoomiyaha Degmada Bulo-burde Xasan Maxamed Cabdi ayaa sheegay in qof kasta oo ka soo laabta fikirka khawaarijta uu xaq u leeyahay in la soo dhoweeyo.
Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in laga faaโideydto fursadaha ay dowladdu ugu yaboohday dadka doonaya in ay ka soo baxaan khawaarijta.