Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in ciidamada maamulkaasi ay dileen Abu-Albara Al Amani oo ahaa madaxii hawlgallada Daacish ee gobolka Bari iyo maleeshiyaad kale oo ka tirsanaa kooxdaasi.
War qoraal ah oo ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in Abu-Albara lagu dilay weerar ay habeen hore kooxda Daacish ku soo qaadeen saldhiga degmada Balidhidin ee gobolka Bari.
Booliska Puntland ayaa sheegay in ninkaasi uu ka soo jeedo gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya, waxayna intaa ku dareen in Abu Albara Al Amani uu dad badan oo Itoobiyaan ah ku khasbay in ay ku biiraan kooxda Daacish.
Bishii July 2021 ayaa Abu Albara loo magacaabay madaxa hawlgallada Daacish, kaddib markii la dilay madaxii hore ee hawlgallada kooxdaas Abuu Waliid Al-muhaajir ,kadib markii uu u dhintay dhaawac kasoo gaaray hawlgal ay ciidamada amniga Puntland ka fuliyeen agagaarka buuraleyda Calmiskaad, sida lagu xusay qoraalka Booliska Puntland.
weerarka ay Daacish ku qaadday saldhiga degmada Balidhidin waxaa ku dhintay hal askari oo ka tirsan Booliska Puntland