Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS mudane Sh Muqtaar Rooboow Cali iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa booqday Xarunta Qunsuliyadda Guud ee Soomaaliya ku leedahay Magaalada Jiddah.
Wafdigaasi waxaa xarunta Qunsiliyadda ku soo dhoweeyay Axmed MAxamuud Diiriye oo ah Qunsulka Guud ee Safaaradda Soomaaliye ee Magaalada Jiddah.
Dhinacyadaasi,waxa ay ja wadahadleen dardargainta howlaha Qunsiliyadda iyo u diyaargarowga rukniga xajka ee sanadkaan.
Sh Muqtaar Rooboow Cali oo ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in wasaaradda Awqaaftra iyo Qunsuliyadda ay iska kaashan doonaan dhameystirka adeegyada lagama maarmaanka u ah howlaha xajka ee sanadkaan.