Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Alcadaalla “DF waxay xayirtay 250- Akoon iyo 70-numbar oo Khawaarijtu laheyd,”.

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiir Alcadaalla “DF waxay xayirtay 250- Akoon iyo 70-numbar oo Khawaarijtu laheyd,”.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Soomaliya, ayaa ku dhawaaqday in Khawaarihtu ay ka xayirtay 250- Akoon iyo 70-numbar oo lacagaha loogu shubi jiray, ka dib xog dhammeystiran oo hay’adaha arrimahan quseeyo ay u soo gudbiyeen muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaalla iyo Wasiiru dowlaha amniga gudaha Mudane Maxamed Cali Xagga oo shir jiraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta ayaa sheegay in dowladda dadaal badan ay gelisay sidii dabalgal loogu sameyn lahaa marinada dhaqaalaha baadda ee argagixisada qaataan.

Related posts

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026

“ Waxaa la xayiray 250-Akoon oo ka mid ah kuwii dadka Soomaaliyeed ee muwaadiniinta ah la soo wadaageen hay’adaha loogu talagalay in ay arrintaas ku soo wargeliyaan,waxaa la xanibay 70-numbar oo ah kuwo loo arkayay in Khawaarijtu u isticmaaleysay lacagaha sharcidarada, waxaa wali socda qorshaha kala saarista macluumaadka,” ayuu yiri wasiir Alcadaalla.

In ka badan Saddex kun oo muwaadiniin Soomaaliyeed oo la soo xiriiray dowladda ayaa u soo gudbiyay xogo ku aadan dhaqaalaha Khawaarijtu xoog kaga qaataan shacabka Soomaaliyeed, waxayna fariimahan suurta geliyeen in la xiro akoonada qaar, halka kuwo kale lagu dabajiro lana xiro doono.

Dhanka kale, Wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo wasiiru dowlaha amniga gudaha Maxamed Cali Xagaa ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay soo sheegaan dhagar qabayaasha ku dhuumaaleysanaya shacabka dhexdooda si loo soo qabto caddaaladana loo marsiiyo.

Khawaarijta ayaa hadda ku jabtay dagaalka lagula jiro, waxayna dantu biday in ay ka cararaan deegaannadii muddada badan ay dadka ku dhibaateyn jireen.

Previous Post

Madaxweynaha Jubbaland Oo Lataliyaha arr/Bulshada U Magacaabay Saciido Maxamed

Next Post

Soomaaliya iyo Midowga Yurub Oo Xoojinaya Iskaashiga ka dhaxeeya

Next Post
Soomaaliya iyo Midowga Yurub Oo Xoojinaya Iskaashiga ka dhaxeeya

Soomaaliya iyo Midowga Yurub Oo Xoojinaya Iskaashiga ka dhaxeeya

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In