Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa ka qeybgalay siyaarada Xaaji Yuusuf Xasan oo ay galabta iskugu soo baxeen culimada magaalada Baxdo iyo deegaanada hoos taga.
Madaxweynaha Galmudug oo khudbad kooban ka jeediyay xuska, asagoo salaan iyo bogaadin kadib sheegay in la sii xoojin doono howlgalada ka dhanka ah khawaarijta ee looga sifeynayo deegannada Galmudug iyo gabi ahaanba Soomaaliya. Isagoo sidoo kale ku ammaanay culimada iyo dadka deegaanka doorkooda ku aaddan la dagaalanka khawaarijta iyo sida reer Baxdo loogu xasuusto casharadii lama ilaawaanka ahaa ay u dhigeenka dhagar qabayaasha khawaarijta ah.