Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War-saxaafadeed: Dowladda Soomaaliya oo xirtay Akoonadii dhaqaalaha baadda ah ee Khawaarijta

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
3 years ago
in Wararka
0
War-saxaafadeed: Dowladda Soomaaliya oo xirtay Akoonadii dhaqaalaha baadda ah ee Khawaarijta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, 14’ka   Janaayo 2023: Dowladda Federaalka Soomaaliya baahisay digniinta ku saabsan la macaamilka Khawaarijta iyo in aan la siin Karin lacagaha baada taariikhdu markay ahayd 23’kii Oktoobar 2022. Dowladda ayaa shacabka la wadaagtay  taleefano ay kala soo xariiri karaan si ay u soo gudbiyaan macluumaadka ku saabsan maalgelinta argagixisada. Intaas wixii ka dambeeyey shacab fara badan ayaa dowladda la wadaagayey macluumaad muhiim ah oo ku saabsan khawaarijta.

Dad ka badan 3 kun oo qofoof ayaa soo gudbiyey macluumaad kala duwan oo ku saabsan maalgelinta argagixisada. Kuwaas oo nala wadaagay akoono ay lacagta ku qaadaan iyo taleefan numbers lacagta lagu tuuro.

Related posts

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

January 22, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026

Mudo 80 cesho gudahood ah dowladda Soomaaliya iyadoo ka duulaysa macluumaadka ay shacabka la wadaagayeen waxay xayirtay 250 akoon bangi iyo 70 mobile money oo kala duwan.

Akoonada iyo taleefanada la xayiray ayaa waxaa ku jira lacago fara badan oo doolar ah oo si Khasab ah looga qaaday shacabka Soomaaliyeed.

Baaritaan iyo gorfeyn ka dib,  dhammaan akoonada iyo taleefanada la xayiray waxay mari doonaan hanaanka u degsan dowladda Soomaaliya.  Cidii ay ku cadaato dembiga waxaa la hor keeni doonaa sharciga.

Dowladda Federaalka Soomaaliya Waxay sii wadi doontaa dagaalka ay kula jirto argagixisada iyada oo kala dagaalamaysa dhaqaalaha, fikirka iyo ciidanka

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u mahad celinaysaa Shacabka Soomaaliyeed ee xogaha muhiimka ah la wadaagay dowladda. Ballanteenu waa in aan khawaarijta ka cirib tirno wadankeena si aysan lacago baad ah uga qaadin shacabkeena.

Fadlan sii wada in aad nala soo wadaagtaan xogta ku saabsan maalgelinta khawaarijta idinkoo soo wacaya taleefanada kala ah:

0610404036 & 0610404037

Previous Post

Wasiiru dowlaha Ganacsiga oo booqday ehelada qoyskii uu ka baxay marxuum Abuukar Maxamed

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Safiirada Midowga Yurub ee Soomaaliya

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Safiirada Midowga Yurub ee Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Safiirada Midowga Yurub ee Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

January 22, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar,...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaliya, Mudane Jamal Maxamed Xasan ayaa maanta kulan la yeeshay xubno ka tirsan...

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

January 21, 2026
0

The Federal Republic of Somalia is pleased to announce the ratification of the new Intergovernmental Authority on Development (IGAD) Treaty,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah u ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD, iyadoo noqotay dowladdii shanaad ee ansixisa, taas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In