Wednesday, May 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War-saxaafadeed: Dowladda Soomaaliya oo xirtay Akoonadii dhaqaalaha baadda ah ee Khawaarijta

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
3 years ago
in Wararka
0
War-saxaafadeed: Dowladda Soomaaliya oo xirtay Akoonadii dhaqaalaha baadda ah ee Khawaarijta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, 14’ka   Janaayo 2023: Dowladda Federaalka Soomaaliya baahisay digniinta ku saabsan la macaamilka Khawaarijta iyo in aan la siin Karin lacagaha baada taariikhdu markay ahayd 23’kii Oktoobar 2022. Dowladda ayaa shacabka la wadaagtay  taleefano ay kala soo xariiri karaan si ay u soo gudbiyaan macluumaadka ku saabsan maalgelinta argagixisada. Intaas wixii ka dambeeyey shacab fara badan ayaa dowladda la wadaagayey macluumaad muhiim ah oo ku saabsan khawaarijta.

Dad ka badan 3 kun oo qofoof ayaa soo gudbiyey macluumaad kala duwan oo ku saabsan maalgelinta argagixisada. Kuwaas oo nala wadaagay akoono ay lacagta ku qaadaan iyo taleefan numbers lacagta lagu tuuro.

Related posts

Wasiirka cusub ee Warfaafinta XFS ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda

Wasiirka cusub ee Warfaafinta XFS ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda

May 13, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA YUGAANDHA

May 12, 2026

Mudo 80 cesho gudahood ah dowladda Soomaaliya iyadoo ka duulaysa macluumaadka ay shacabka la wadaagayeen waxay xayirtay 250 akoon bangi iyo 70 mobile money oo kala duwan.

Akoonada iyo taleefanada la xayiray ayaa waxaa ku jira lacago fara badan oo doolar ah oo si Khasab ah looga qaaday shacabka Soomaaliyeed.

Baaritaan iyo gorfeyn ka dib,  dhammaan akoonada iyo taleefanada la xayiray waxay mari doonaan hanaanka u degsan dowladda Soomaaliya.  Cidii ay ku cadaato dembiga waxaa la hor keeni doonaa sharciga.

Dowladda Federaalka Soomaaliya Waxay sii wadi doontaa dagaalka ay kula jirto argagixisada iyada oo kala dagaalamaysa dhaqaalaha, fikirka iyo ciidanka

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u mahad celinaysaa Shacabka Soomaaliyeed ee xogaha muhiimka ah la wadaagay dowladda. Ballanteenu waa in aan khawaarijta ka cirib tirno wadankeena si aysan lacago baad ah uga qaadin shacabkeena.

Fadlan sii wada in aad nala soo wadaagtaan xogta ku saabsan maalgelinta khawaarijta idinkoo soo wacaya taleefanada kala ah:

0610404036 & 0610404037

Previous Post

Wasiiru dowlaha Ganacsiga oo booqday ehelada qoyskii uu ka baxay marxuum Abuukar Maxamed

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Safiirada Midowga Yurub ee Soomaaliya

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Safiirada Midowga Yurub ee Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Safiirada Midowga Yurub ee Soomaaliya

Wasiirka cusub ee Warfaafinta XFS ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda

Wasiirka cusub ee Warfaafinta XFS ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda

May 13, 2026
0

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta kormeeray qeybaha...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA YUGAANDHA

May 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga...

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Safiirka Midowga Yurub

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Safiirka Midowga Yurub

May 12, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan la yeelatay Safiirka Midowga Yurub u fadhisa...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo xilka la wareegay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo xilka la wareegay

May 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa galabta xilka u kala wareejiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In