Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayo kuwa degaanka ayaa saakay si buuxda khawaarijta kala wareegay magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud,halkaa oo ay argagixisada mudda dhibaato ku hayeen dadka shacabka ah
Wasiirka Gaashaanidhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa warabaahinta qaranka u xaqiijiyay in ciidamada dowladda ay ka xoreyeen degaanka Galcad khawaarijta, ciidamadana ay wadaan howlgal lagu xaqiijinayo amniga degaankasi.
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa wada howlgallo ka dhan ah khawaarijta,kuwaa oo looga xoreeynayo degaannada ay kaga suganyihi gobolada Galgaduud iyo Mudug