Saturday, August 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Baydhabo ka daahfuray Hindisaha Qaran ee Soomaaliya Cagaaran “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 18, 2023
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Baydhabo ka daahfuray Hindisaha Qaran ee Soomaaliya Cagaaran “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo kaga qayb galay Munaasabadda Daah-furka Ololaha Qaran ee Soomaaliya Cagaaran wejiigiisa deegaanada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha oo dul istaagay ahmiyadda dhirtu ay u leedahay dhulkeenna iyo khatarta ay dalka ku hayaan Nabaad guurka iyo Xaalufinta deegaanka ayaa adkeeyay in loo midoobo badbaadada dheekaanka Soomaaliyeed isaga oo faray Maamulada heer Gobol iyo heer Degmo ee Gobolka Baay in ay Shacabkaka ku dhiiri galiyaan abuuridda dhirta si uu u guuleysto Qorshaha Qaran ee Soomaaliya Cagaaran.

Related posts

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

August 22, 2025
Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

August 22, 2025

“Hadafkeennu waa Soomaaliya Cagaaran oo Barwaaqo ah, Abaaraha iyo Roob yarida nagu soo laalaabatay waa Qadar Alle balse waxaa loo aaneeyaa geedo yaraanta iyo xaalufka deegaanka. Maamulka Gobolka Baay iyo kan Degmada Baydhabo waa in ay hormuud u noqdaan Olalaha dhir beerista, Shacabkana ku dhiiri galiyaan in ay Geedo badan beeraan”.

Munaasabadda Daah-furka Hidisaha Qaran ee Soomaaliya Cagaaran ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed, Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiiro heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah iyo Qaar ka mid ah Dhallinyaraha magaalada Baydhabo.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo la kulmay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Q.M

Next Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Muqdisho kula kulmay Safiirka Isutagga Imaaraadka Carabta

Next Post
Madaxweynaha Hirshabeelle oo Muqdisho kula kulmay Safiirka Isutagga Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Muqdisho kula kulmay Safiirka Isutagga Imaaraadka Carabta

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

August 22, 2025
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa magaalada Yokohama kulamo miro-dhal ah kula yeeshay...

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

August 22, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xirsi Gaani oo maanta ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa ka warbibixay qorshaha Xukuumadda...

Bandhigga Buugga Dowlad-dhiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho+SAWIRRO

Bandhigga Buugga Dowlad-dhiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho+SAWIRRO

August 22, 2025
0

Munaasabad lagu daahfuray Buugga lagu magacaabo Dowlad-dhiska Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho, Waxaana ka qayb galay Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

August 21, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In