Monday, February 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dib u soo celinta hantida Wasaaradda Isgaarsiinta oo lagu guulaystay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Dib u soo celinta hantida Wasaaradda Isgaarsiinta oo lagu guulaystay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay  Xarunta Lr.2 ee Taleefanada Dalka ee ku taallay Degmada Boondheere agagaarka Taalada Xaawo Taako.

Munaasabadda lagu wareejinayey waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Isgasrsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Duwane Isaaq.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo xurunta Hay’adda ku qaabbilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Cuntada Adduunka

Guddoomiyaha SoDMA oo xurunta Hay’adda ku qaabbilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Cuntada Adduunka

February 23, 2026
Madaxweynaha JFS oo markale cafis u fidiyay dhallinyarada la qalday ee ka tirsan Khawaarijta

Madaxweynaha JFS oo markale cafis u fidiyay dhallinyarada la qalday ee ka tirsan Khawaarijta

February 23, 2026

Xaruntan oo 30-kii sano ee lasoo dhaafay ay gacanta ku hayeen Shacab Soomaaliyeed ayaa caddeeyay in ay ku faraxsan yihiin in ay wareejiyaan hantidan si shuuruud la’aan ah kuna wareejiyay Wasaaradda.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Cabdicasiis Duwane Isaq oo ka hadlay munaasabadda lagu wareejinaayey xarunta labaad ee Taleefanada Wasaaradda ayaa sheegay in xaruntaan ay muhiim u tahay Wasaaradda.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa u mahadceliyay Shacabkii soo wareejiyay Xarunta..”Maanta waa maalin kale oo dib gacanta Wasaaradda loogu soo celiyo Xarunta Lr.2 ee Taleefanada Dalka, si deg deg ah ayaa loo billaabi doono Adeeggii ay u qaban jirtay dadweynaha Soomaaliyeed” ayuu yiri Mudane Jaamac.

Tan iyo markii xilka la wareegay Wasiir Jaamac Xasan Khaliif waxa uu shaqooyinka hortabinta leh ku daray Qorshaha dib loogu soo celinayo xarumaha iyo hantida Wasaaradda.

Previous Post

Jaamacadda Africa Graduate oo farac ka furatay Magaalada Gaalkacyo

Next Post

Sugidda iyo xoojinta amniga Caasimadda oo laga shiray “SAWIRRO”

Next Post
Sugidda iyo xoojinta amniga Caasimadda oo laga shiray “SAWIRRO”

Sugidda iyo xoojinta amniga Caasimadda oo laga shiray "SAWIRRO"

Guddoomiyaha SoDMA oo xurunta Hay’adda ku qaabbilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Cuntada Adduunka

Guddoomiyaha SoDMA oo xurunta Hay’adda ku qaabbilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Cuntada Adduunka

February 23, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xarunta hay’adda ku qaabbilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda...

Madaxweynaha JFS oo markale cafis u fidiyay dhallinyarada la qalday ee ka tirsan Khawaarijta

Madaxweynaha JFS oo markale cafis u fidiyay dhallinyarada la qalday ee ka tirsan Khawaarijta

February 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fadliga bisha Ramadaan awgiis, markale cafis u fidiyay dhallinyarada la qalday...

Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.

Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.

February 23, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara ee waqooyi-galbeed dalka Nigeria, kuwaas...

Degmada Gubadley oo u gudubtay wareega labaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka

Degmada Gubadley oo u gudubtay wareega labaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka

February 23, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lix iyo tobnaad, isla markaana ay qabanayso Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, ayaa si toos...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In