Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya iyo masโuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda goboleedka Galmudug, ayaa kormeeray xaafadaha magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.
Madaxweyne Qoorqoor iyo masโuuliyiinta kale ee la socotayย ayaa u kuurgalay xaaladda nololeed ee bulshada reer Xarardheere ee dib ugu soo laabtay magaalada.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeer ku tagay xarumaha dowladda ee bixiya adeegga bulshada sida xarunta degmada, Isbitaalka guud iyo saldhigga Booliska degmada Xarardheere.












