Thursday, October 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Muxuu R/W Xamse kala hadlay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka?

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Muxuu R/W Xamse kala hadlay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Baanka Adduunka oo ay hoggaamineysay Madaxweyne Ku Xigeenka u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika Victoria Kwakwa.

Kulanka waxaa si qoto dheer looga dooday mashaariicda horumarineed ee Baanka Adduunka uu ka fuliyo iyo sidii loo waafajin lahaa baahida dhabta ee dadka Soomaaliyeed ay qabaan iyo inay noqdaan kuwo ay ka muuqato in umaddu ay leedahay.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa sheegay in marka ay dowladda Soomaaliyeed dhameystirto hannaanka deyn cafinta ay u jeesaneysa fulinta mashaariicda waaweyn ee Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo in laga faa’iideysto Kheyraadka badan ee Alle ku manaystay dalka.

Waxaa Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in dowladda ay dib u eegis ku sameyn doonto Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP 9), iyadoo ay halkaas ka iman doonto buu yiri, meelaha ay ahmiyadda saareyso dowladda, Bangiga Adduunkana laga rabo inuu la jaanqaado.

Victoria Kwakwa,ayaa dhinaceeda soo dhaweysay dadaalka dowladda Soomaaliya ay ugu jirto xaqiijinta dhameystirka hannaanka deyn cafinta, amniga dalka iyo daryeelka bulshada, waxayna ballanqaaday in Baanka Adduunku sii wado taageerada kala duwan ee ay u fidiso dowladda Soomaaliya.

Waxay ku boggaadisay xukuumadda dadaalka ay u gashay meel marinta shuruucda wax ka taraysa dhiirigelinta maalgashiga iyo koboca dhaqaalaha dalka, iyadoo ballanqaaday in dowladda Soomaaliya ay kala sii shaqeyn doonaan hirgelinta mashaariic lagu xoojinayo kaabayaasha dhaqaalaha, kadib marka la dhameystiro deyn cafinta.

Waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane Salah Jama iyo Wasiirrada Wasaaradaha ay quseeyaan mashaariicda horumarineed ee Baanku Soomaaliya ka hirgeliyo.

Photographer: Abdishukri Haybe

Photographer: Abdishukri Haybe

Photographer: Abdishukri Haybe
Photographer: Abdishukri Haybe

Photographer: Abdishukri Haybe
Photographer: Abdishukri Haybe

Photographer: Abdishukri Haybe



 

Previous Post

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo arrimo muhiim ah kala hadlay Bangiga Adduunka 

Next Post

Gudaha Villa Somalia – 72 saac iyo la jirka Madaxweyne Xasan Sheekh (Wareysi xiisa badan)

Next Post
Gudaha Villa Somalia – 72 saac iyo la jirka Madaxweyne Xasan Sheekh (Wareysi xiisa badan)

Gudaha Villa Somalia - 72 saac iyo la jirka Madaxweyne Xasan Sheekh (Wareysi xiisa badan)

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In