Tuesday, August 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Muxuu R/W Xamse kala hadlay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka?

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Muxuu R/W Xamse kala hadlay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Baanka Adduunka oo ay hoggaamineysay Madaxweyne Ku Xigeenka u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika Victoria Kwakwa.

Kulanka waxaa si qoto dheer looga dooday mashaariicda horumarineed ee Baanka Adduunka uu ka fuliyo iyo sidii loo waafajin lahaa baahida dhabta ee dadka Soomaaliyeed ay qabaan iyo inay noqdaan kuwo ay ka muuqato in umaddu ay leedahay.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

August 24, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa sheegay in marka ay dowladda Soomaaliyeed dhameystirto hannaanka deyn cafinta ay u jeesaneysa fulinta mashaariicda waaweyn ee Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo in laga faa’iideysto Kheyraadka badan ee Alle ku manaystay dalka.

Waxaa Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in dowladda ay dib u eegis ku sameyn doonto Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP 9), iyadoo ay halkaas ka iman doonto buu yiri, meelaha ay ahmiyadda saareyso dowladda, Bangiga Adduunkana laga rabo inuu la jaanqaado.

Victoria Kwakwa,ayaa dhinaceeda soo dhaweysay dadaalka dowladda Soomaaliya ay ugu jirto xaqiijinta dhameystirka hannaanka deyn cafinta, amniga dalka iyo daryeelka bulshada, waxayna ballanqaaday in Baanka Adduunku sii wado taageerada kala duwan ee ay u fidiso dowladda Soomaaliya.

Waxay ku boggaadisay xukuumadda dadaalka ay u gashay meel marinta shuruucda wax ka taraysa dhiirigelinta maalgashiga iyo koboca dhaqaalaha dalka, iyadoo ballanqaaday in dowladda Soomaaliya ay kala sii shaqeyn doonaan hirgelinta mashaariic lagu xoojinayo kaabayaasha dhaqaalaha, kadib marka la dhameystiro deyn cafinta.

Waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane Salah Jama iyo Wasiirrada Wasaaradaha ay quseeyaan mashaariicda horumarineed ee Baanku Soomaaliya ka hirgeliyo.

Photographer: Abdishukri Haybe

Photographer: Abdishukri Haybe

Photographer: Abdishukri Haybe
Photographer: Abdishukri Haybe

Photographer: Abdishukri Haybe
Photographer: Abdishukri Haybe

Photographer: Abdishukri Haybe

Previous Post

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo arrimo muhiim ah kala hadlay Bangiga Adduunka 

Next Post

Gudaha Villa Somalia – 72 saac iyo la jirka Madaxweyne Xasan Sheekh (Wareysi xiisa badan)

Next Post
Gudaha Villa Somalia – 72 saac iyo la jirka Madaxweyne Xasan Sheekh (Wareysi xiisa badan)

Gudaha Villa Somalia - 72 saac iyo la jirka Madaxweyne Xasan Sheekh (Wareysi xiisa badan)

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku soo dhaweeyay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

August 24, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan dhiiragelin iyo bogaadin ah...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

August 24, 2026
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS, Maxamed Cismaan Nastaara, ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

August 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed, ayaa Muqdisho tababar ugu soo xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In