Tuesday, April 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo tababar u soo xiray 150 dhallinyaro ah oo dhammeysatay Culuum kala duwan

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo tababar u soo xiray 150 dhallinyaro ah oo dhammeysatay Culuum kala duwan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),ayaa Tababar usoo xiray 150 dhallinyaro ah oo muddo bil ah Aqoon kororsi ku saabsan Culuumta Saxaafadda, Computerka, Culuumta Bulshada iyo Caafimaadka ugu socday xarunta dhexe ee Dhallinyarada Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa isla xarunta dhexe ee Dhallinyarada Gobolka Banaadir Tababar ku aadan Qiimeynta, Daba-galka iyo Qawaaniinta Sharciga ugu furay boqolaal ka tirsan Dhallinyarada Gobolka Banaadir.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026

Munaasabada, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Kuxigeenkii hore ee Amniga iyo Siyaasadda Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare), Guddoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir Cabdikaafi Maxamuud Makaraan iyo La-taliyaha dhinaca Sharciga ee Maamulka Gobolka Banaadir Avv. Maxamuud Cabdinuur (Abukaato Kitaabi).

Khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysa oo uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir halkaasi ka jeediyay,ayaa waxaa uu ku dheeraaday doorka Dhallinyarada ee ku dhax leeyihiin Bulshada Soomaaliyeed iyo sida Maamulka Gobolka Banaadir ugu go’an tahay Awood-siinta Dhallinyarada, Kobcinta Aqoonta iyo sidii loogu heli lahaa shaqo abuur maadaama ay yihiin tirada ugu badan ee Bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kula dar-daarmay Dhalinyarada Gobolka Banaadir in laga faa’ideysto duruusta ay bixinayaan Aqoon-yahanada si ay u kobciyaan Maskaxdooda, iyadoo laga fogaanayo Maandooriyaha, isla markaana laga qeyb-qaadanayo sugida Amniga, Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo garab istaaga dowladnimadda Soomaaliya. Iyadoona halkaasi Shahaadooyin lagu guddoonsiiyay Dhalinyaradii Tababarka usoo xirmay.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho iyo Ku-xigeenkiisa Amniga iyo Siyaasadda ayaa shir gaar ah la qaatay Guddoomiyeyaasha Dhalinyarada Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, si uu mid mid warbixin ku aadan howlahooda shaqo iyo caqabadaha jira ugu dhageysto. Waxa uuna kula dar-daarmay in la dar-dar geliyo Howlaha shaqo ee Bulshada loo haayo.

Previous Post

Dhulgariir ka dhacay dalka Turkiga oo geestay bur-bur hantiyadeed

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamse oo shir guddoomiyay shirka amniga dalka “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamse oo shir guddoomiyay shirka amniga dalka “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Xamse oo shir guddoomiyay shirka amniga dalka "SAWIRRO"

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa maanta ka qaybgalay kulan ku saabsan doorka...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali ayaa kulan kula yeeshay xarunta...

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

April 13, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa lagu ansixiyey Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka...

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

April 13, 2026
0

Golaha Wasiiradda XJFS ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, xilkaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In