Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi kaariye ayaa xariga ka jaray xarunta Agoonta Degmada Balanbal ee Gobalka Galgaduud.
Xaruntan oo lagu dhisay isku tashi bulsho ayaa loogu tala galay in lagu baxnaaniyo, waxna lagu baro agoonta degmada Balanbal iyo deegaannada hoos yimaada.
Madaxweynaha Galmudug ayaa bulshada ku dhaqan degmada Balanbal ku amaanay sida ay isugu xilqaameen Dhismaha xarunta danyarta iyo agoonta ee Degmada Balanbal.