Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Degmada Guriceel ee Gobalka Galgaduud.
Madaxweynaha Galmudug iyo wafdigiisa waxaa soo dhaweeyay xubno ka mid ah labada gole ee Dowlada Fadaraalka, labada Gole ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Maamulka Gobalka Galgaduud, Maamulka Degmada Guriceel iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Degmada Guriceel.