Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Mudane Cali Ifiye Cali
Booqashada Wasiirka ayaa ujeedkeedu ahaa bogaadin ku aadan shaqada baaxada leh ee Hay’ada SoDMA u hayso shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen asigoo xusay in mudadii yareed ee hay’adu shaqeyneysay dabooshay baahiyo badan oo jiray
Wasiir Cali ayaa balan qaaday in Wasaaradda Kalluumeysiga ay wada shaqeyn dhow la taagnaan doonto hay’ada SoDMA si bulshada Soomaaliyeed gargaar loo wada gaarsiiyo
Guddoomiye Maxamuud ayaa kaga mahadceliyay Wasiir ku xigeenka booqashada asigoo ku amaanay Wasaaradda Kalluumeysiga dadaalada ay ugu jirto in laga faa’iideesto Kheyraadka dabiiciga ah dalkeenu leeyahay.