Wasaaradda amniga gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa beenisay jiritaanka warar laga faafiyey barnaamijka dhaqancelinta dadka ka soo goosta Khawaarijta ama gacanta lagu dhigo, kaas oo dib u habayn lagu sameeyey, iyada oo lagu salaynayo siyaasadda xukuumadda.
War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa si faahfaahsan looga hadlay marxaladda uu barnaamijkan marayo iyo xuquuqda hawl wadeenadiisa.