Xoghayaha guud ee Golaha Shcabka Baarlamaanka JFS Mudane Cabdiraxmaan Muxumed Cabdulle (Jaabiri) ayaa loo doortay xubin ka mid ah Guddiga fulinta Midowga xog-hayayaasha Baarlamannada Dowladaha xubnaha ka ah Carabta.
Sidoo kale, Xoghayaha ayaa ka qeyb galay Kulanka 42-aad ee Golaha Xoghayayaasha guud ee Baarlamaannada Carabta, kaas oo ka dhacay magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq.
Kulankan oo barbar socday meertada 34-aad ee Baarlaannadda Carabta oo socon doona Febraayo 25-26, ayaa xoghayeyaasha waxa ay iska doorteen saddex xubnood oo guddiga fulinta ka mid ah, waxaana xubnahaasi ka mid noqday Soomaaliya, Al Jeeriya iyo Ciraaq.