Saturday, July 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo daah furay tartanka Hirgali Hibadaada 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo daah furay tartanka Hirgali Hibadaada 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla ayaa maanta daah furay, tartanka “Hirgeli Hibadaada” oo ay suugaanleeyda Soomaaliyeed ku soo bandhigi doonaan hibo faneedkooda.

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla oo ka hadlay madasha furitaanka tartanka “Hirgeli Hibadaada” ayaa sharxay u jeedka tartankan.

Related posts

Ururka JSP  oo xarun cusub ka hirgeliyey Gaalkacyo

Ururka JSP oo xarun cusub ka hirgeliyey Gaalkacyo

July 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Hoggaanka Dalladda Midowga Dalxiiska

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Hoggaanka Dalladda Midowga Dalxiiska

July 11, 2026

“Ujeedka Tartan faneedka “hirgeli Hibadaada” waxa uu yahay in Bahda Afmaalka ahi ay soo bandhigaan suugaanta ku saabsan wadaniyadda, maslaxadda Ummadda Soomaaliya, tilmaamidda hagardaamada khawaarijta oo dhibaato badan ka geysatay dalkeenna, iyo in ay Suugaanleeyda ay cabir guud ka bixiyaan sida aan u ilaashan karno dhaxalkeenna oo ay ka mid yihiin, Diinteenna suuban, ciideenna, calankeenna iyo Xuduudeenna

Mudane Cabdiraxmaan Al-cadaala, ayaa intaas ku sii daray in uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya abaal marinayo cid alaale cidii ku guuleysata kaalimaha sar sare ee tartanka.

Sidoo kale Wasiir Alcadaala ayaa tilmaamay in Khawaarijtu gumaad xun u geysatay muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyagoo gabaad ka dhiganayo Diinta islaamka, wuxuu dhanka kale, tibaaxay in araggaxisadu ku dambeyn doonaan halaag iyo qooma-mayn.

“ Waxaan ognahay in ay khawaarij yihiin,ayna waajib nagu tahay in aan u midoowno, suugaantana sida ay gumeystihii Qarnigii 20-aad ay ula dagaashay ayay hadda ula dagaalamaysaa Maleeshiyaadka khawaarijta, waana ka adkaaneynaa, waxa ay dadka uu diideen in masaajida lagu dukado, laakiin maanta Alle mahaddii iyaga ayaa gacan ku ganbasho ah” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya.

Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in Tiyaartaka Qaranka lagu dhigo Tartanka Qur’aanka kariimka iyo barnaamijyo kale oo dadka lagu wacyi-gelinayo.

“Marka waxaad ogaataan in aan camalkeynu u niyaysano Cibaado, khawaaritu diin malaha, in la dilo ama ay wax dilaan, shahaado iyo janno ayaa lagu gaarayaa, waxaan ammaanayaa kaalinta ay faaaniinta qaranka ka qaadanayaan dagaalka lagu cirib tirayo khawaarijta gabalkeeda sii dhacayo”.Ayuu yiri wasiir Cadaala.

Madasha waxaa goobjoog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaraadda Warfaafinta, Cabdullaahi Xayir Ducaale, Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure, Agaasimaha  Wakaaladda Wararka SONNA,  Guddoomiyaha Abwaanada Soomaaliyeed Abwaan Xirsi Dhuux, Maareeyihiii hore ee Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cabdi Dhuux,  Abwaan Saciid Maxmed Harrawo, Abwaan Yaasiin sheekh Salaad iyo kooxda Waabari.



 

 

 

 

Tags: Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo daah furay tartanka Hirgali Hibadaada
Previous Post

ATMIS oo ka warbixisay shil Diyaaradeed oo ka dhacay Balidoogle 

Next Post

Wasiirka Arr/Dibadda XFS oo xafiiskiisa kulan kula qaatay wafdi ka socday OIC

Next Post
Wasiirka Arr/Dibadda XFS oo xafiiskiisa kulan kula qaatay wafdi ka socday OIC

Wasiirka Arr/Dibadda XFS oo xafiiskiisa kulan kula qaatay wafdi ka socday OIC

Ururka JSP  oo xarun cusub ka hirgeliyey Gaalkacyo

Ururka JSP oo xarun cusub ka hirgeliyey Gaalkacyo

July 11, 2026
0

Mas'uuliyiin ka tirsan hoggaanka sare ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), xubno isugu jira Xildhibaanno, Wasiirro, Sanatarro, iyo masuuliyiin ka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Hoggaanka Dalladda Midowga Dalxiiska

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Hoggaanka Dalladda Midowga Dalxiiska

July 11, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta kulan la yeeshay Hoggaanka Dalladda...

TACSI;-Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida halgamaa Xaaji Cali-Shoocaac

TACSI;-Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida halgamaa Xaaji Cali-Shoocaac

July 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada, Ciidamada Qalabka Sida...

Horjoogayaal Khawaarij ah oo iska soo dhiibay furimaha hore ee dagaalka

Horjoogayaal Khawaarij ah oo iska soo dhiibay furimaha hore ee dagaalka

July 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Kadib markii Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay in Ciidamada Qaranka ay qaadayaan howlgal kama dambeys...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In