Monday, April 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Dalka Ciraaq

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Dalka Ciraaq
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo howlo shaqo u jooga dalka Ciraaq ayaa maanta waxaa uu kulan la qaatay Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka dalka Ciraaq Mudane Dr. Shakhwaan Cabdallah Axmed.

Kulanka labada Guddoomiye oo ahaa mid u ah muhiim Ciraaq iyo Soomaaliya ayaa waxaa goobjoog ahaa xildhibaano ka kala socday labada dal waxaa ku weheliyay danjiraha dalka Soomaaliya ee uu fadhiya Ciraaq Amb. Liibaan Sheekh Maxamuud (Maalinguur). Mas’uuliyiinta waxay muujiyeen sida uu ugu faraxsan yihiin kulankan iyo soo dhawaynta diiran ee loo sameeyay, isagoo sidoo kale ka hadlay mawduucyo dhowr ah iyo arrimaha danta guud oo ay ugu horreyso sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal iyo iskaashiga labada Baarlamaan si loo adkeeyo wada shaqeynta.

Related posts

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026

Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa weftiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku soo dhaweeyay Xarunta Baarlamaanka Ciraaq, isagoona u muujiyay in Soomaaliya ay tahay dalkooda labaad, waxaana uu tilmaamay xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya labada shacab iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya, waxaana uu uga mahadceliyay sida uu u soo ajiibay qabsoomidda Shirweynaha 34-aad ee Midowga Baarlamaannada Carabta oo shalay ka furmay islamarkaana lagu soo gabagabeeyay Baqdaad.

Previous Post

Maxaa ka soo baxay shirka uu Ra’iisul Wasaare Xamse la qaatay Isuduwayaasha mashaariicda ee dalka?

Next Post

Wasiiru-dowlaha Caafimaadka oo qaabishay Wafdi ka socday OIC “SAWIRRO”

Next Post
Wasiiru-dowlaha Caafimaadka oo qaabishay Wafdi ka socday OIC “SAWIRRO”

Wasiiru-dowlaha Caafimaadka oo qaabishay Wafdi ka socday OIC "SAWIRRO"

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHAB):-Qaar ka tirsan Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhaba, ayaa maanta kulamo kala duwan kula qaatay...

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ururka 165-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Degmada Buurhakaba...

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay qaybo ka mid ah Odayaasha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In