Friday, May 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Jubbaland oo xilka la wareegay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Jubbaland oo xilka la wareegay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad kooban oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada iyo Wasiirada Arimaha Gudaha, Hawlaha Guud, Biyaha & Tamarta, Guddoomiyaha Guddiga Shaqada iyo Shaqaalaha iyo masuuliyiinta waaxyaha kala duwan ee Madaxtooyada qaar kamid ah.

Mudane Maxamuud Sayid, Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland ku amaanay uguna mahadceliyey Agaasimihii hore Abshir Muxumed Colow shaqada wanaagsan ee uu qabtay mudadii dheerayd ee uu xilka hayey.

Related posts

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

May 22, 2026
Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

May 21, 2026

Agaasimahii hore Abshir muxumed Colow ayaa mudo gaareysa sideed sano ahaa Agaasimaha Madaxtooyada, isagoo xilligaas ka horna ahaa xoghayaha qaaska ee Madaxweynaha Jubbaland. Taas ayaa ka dhigaysa Abshir, shakhsi rug cadaa ah oo usoo adeegay dadka iyo dowlad Goboleedka Jubbaland tan iyo intii la aasaasay Jubbaland.

Abshir Muxumed Colow ayaa si guud ugu mahad celiyay dhamaan mas’uuliyiinta iyo hay’adaha kala duwan ee Jubbaland ee ay soo wada shaqeeyeen,  shaqaalaha Madaxtooyada iyo howlwadeenada kala duwan sidii ay usoo garab istaageen iyo shaqo wanaagii ay u muujiyeen. Sidoo kale, Agaasimahii hore ee Madaxtooyada ayaa si gaar ah ugu mahad celiyay Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ku aaminay shaqadan aadka u weyn isla markana fursad u siiyay inuu shacabka reer Jubbaland ugu adeego aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa.

Agaasimaha Cusub Khaliif Yusuf Maxamed ayaa sheegay in uu makhraati ka yahay dadaalka shaqaalaha iyo howlwadeenada Madaxtooyada isla markana uu rajaynayo in shaqada socota ay noqoto mid guulaysata oo si wadajir ah looga shaqeeyo ajandayaasha Wlwaa weyn ee horyaala Madaxtooyada Jubbaland.

Agaasimaha cusub ayaa sidoo kale ugu mahad celiyay Agaasimahii hore ee Madaxtooyada Abshir Muxumed Colow shaqadii baaxada lahayd ee uu ka soo qabtay Madaxtooyada oo uu kasoo bilaabay meel hoose, taas oo maantana joogta meel lagu faani karo.

Previous Post

Wasiiru-dowlaha Caafimaadka oo qaabishay Wafdi ka socday OIC “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ciraaq “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ciraaq “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ciraaq "SAWIRRO"

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

May 22, 2026
0

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha Afrika ayaa billowday inay natiijooyin muuqda dhaliso. Arrintan waxaa shaaciyay Liu...

Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

May 21, 2026
0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa shir guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada...

Wasiirka Awqaafta oo kormeeray goobaha loo diyaariyay in ay degaan Xujeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta oo kormeeray goobaha loo diyaariyay in ay degaan Xujeyda Soomaaliyeed

May 21, 2026
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali ayaa xalay kormeer ku tegay Teendhooyinka Xujeyda Soomaaliyeed loogu diyaariyay...

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

May 20, 2026
0

Kaaliyaha Taliska Xoogga Dalka Soomaliyeed Gen Maadey Nuurey Sheekh ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee caasimada ku meelgaarka ah ee Koofur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In