Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo Wafdi uu hogaaminayay ayaa dalka Tuuniisiya kaga qeyb-galay shirka 40-ad ee Golaha Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Carabta ee ururka Jaamacadda Carabta.
Shirkan oo sanadle ah ayaa waxaa sanadkan xooga lugu saaray arrimaha la dagaallanka argagaxisada, ka hortigidda daroogada iyo qulqulka dadka ee sharci darada ah
Wasiiru-dowlaha ayaa intii uu shirka socday kulamo gooni gooni ah la qaatay, Wasiirada Arimaha gudaha Dalalka Masar, General Maxamuud Towfiiq, Sacuudiga Amiir Cabdiaziz Bin Sacuud Bin Naayif, Qatar Sheekh Khaalid Bin Khaliifa Bin Cabdicaziiz, Saldanada Cumaan Xamuud Bin Faysal Al-Boo Saciidi, Tuunis Towfiiq Sharufu Diin iyo xoghayaha guud ee golaha Wasiirada arimaha gudaha carabta, Dr. maxamed Bin Cali Koomaan waxaa uuna warbixin ka siiyay guulaha ay Dowlada Soomaaliya ka gaartay la dagaalanka argagaxisada, asigoo ka codsaday dalalka Carabta in soomaaliya lugu garab istaago dagaalaka ay kula jirto kooxaha khawaarij-ya
Wasiiru-dowlaha ayaa safarkiisa Tuuniisiya ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Yuusuf Cali Maxamed iyo La-taliyaha Arrimaha Carabta Mudane Ismaaciil Macalin Cabdulle.