Saturday, January 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Pyongyang oo markale tijaabisay Gantaallo halis ah

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Pyongyang oo markale tijaabisay Gantaallo halis ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Millatariga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi maanta oo Talaada ah ay laba Gantaal oo kuwa riddada gaaban ah ku ku tijaabisay xeebteeda bari ee dalkaasi.

Kuuriyada Koonfureed ayaa intaasi ku dartay, in Gantaaladan ay yahiin kii ugu dambeeyay ee ay tijaabiso Kuuriyada Waqooyi, xilli Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanku ay sameeynayeen dhoolatus milatari oo muddo sannad ah qaatay.

Related posts

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

January 10, 2026
Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

January 10, 2026

Taliyaha guud ee Ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in labadan Gantaal la soo riday abaarro 7:40 subaxnimo ee xilliga maxalliga ah, isaga oo intaasi ku daray in Gantaalladan laga soo riday gobolka South Hwanghae, ee u dhow xeebaha galbeed ee Kuuriyada Waqooyi.

Wakaaladda wararka Reuters, oo soo xiganeysa Millatariga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in ciidamada Kuuriyada Koonfureed ay ku jiraan heegankii ugu sareeyay, iyagoo kaashanaya khubarada Maraykanka.

Tijaabada Gantaaladan ayaa ah tii labaad ee ay sameyso Pyongyang muddo saddex maalmood gudahood ah, taasi oo ay kaga jawaabeysa dhoolatuska militari ee ay si wadajir ah u sameeyeen Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

Washinton iyo Seoul, ayaa muddooyinkii danbe sare u qaaday iskaashiga dhanka difaaca ee ka dhanka ah hanjabaadaha ka imaanaya Kuuriyada Waqooyi, taasoo sii kordheysay tijaabooyinka hubka halista ah ee Xukuumadda Pyongyang.

Previous Post

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir sanadeedka guddiga xaaladaha Haweenka

Next Post

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay sharciga ladagaallanka Argagixisada

Next Post
Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay sharciga ladagaallanka Argagixisada

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay sharciga ladagaallanka Argagixisada

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid go’aankii xadgudubka ahaa ee Israa’iil ay ku aqoonsatay maamulka Somaliland, iyadoo taageertay...

Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee kasoo kala jeeda maamullada Puntland, Jubbaland iyo Waqooyi Bari...

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In