Sunday, February 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Diyaaradaha dagaalka Ruushka oo bur buriyay diyaarado uu leeyahay Mareykanka

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Diyaaradaha dagaalka Ruushka oo bur buriyay diyaarado uu leeyahay Mareykanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Milateriga Maraykanka ayaa sheegay in diyaarad dagaal oo Ruushku leeyahay ay galinkii danbe ee shelay Badda Madow ku buburisay mid ka mid ah diyaaradahooda wax basaasa ee loo yaqaanno drones-ka, waana markii ugu horreysay oo ay si toos ah u iskaga horyimaadaan labada quwadood tan iyo markii uu bilowday duullaanka Ruushkaha ee Ukraine.

War ka soo baxay Wasaaradda difaaca Ruushka ayaa lagu beeniyay hadalka  Mareykanka, iyada oo safiirka Moscow ee Washington uu sheegay in dalkiisu uu u arkayay hadalka Mareykanka mid daandaansi ah.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Ciidamada Cirka ugu hambalyeeyay sanad-guuradoodii 66-aad ee aasaaskooda

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Ciidamada Cirka ugu hambalyeeyay sanad-guuradoodii 66-aad ee aasaaskooda

February 15, 2026
Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM

February 15, 2026

Laba diyaaradood oo noocoodu yahay Su-27 oo Ruushku leeyahay ayaa fuliyay waxa ay milatariga Maraykanku ku tilmaameen fal-dambiyeed aan ka fiirsasho lahayn oo ay u geysteen diyaarad aan duuliye lahayn oo Maraykanku leeyahay, xilli ay ku duuleysay hawada caalamiga ah.

Mareykanku waxa uu sheegtay in diyaaradaha dagaalka Ruushku ay shidaalka ku daadiyeen diyaaradda MQ-9 – lagana yaabo in ay isku dayeen inay ka dhigaan mid aan waxb arki karin ama ay waxyeeleeyaan.

Mareykanka ayaa si joogto ah gobolka uga sameeya duullimaadyo ilaalo ah, waxaana uu Ukraine ku taageeray balaayiin doolar oo gargaar milatari ah, inkasta oo Mareykanku aanu si toos ah uga qeyb qaadan dagaalka.

Militariga Mareykanka ayaa sheegay in 30 ilaa 40 daqiiqo ay ku qaadatay diyaaradaha Ruushka inay burburiyaan diyaaradooda, iyaga oo sheegay inay dhici karto in mid ka mid ah diyaarahada Ruushkana ay waxyeello soo gaartay.

Safiirka Ruushka u fadhiya Washington Anatoly Antonov ayaa wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka u yeertay, si ay su’aalo uga weyddiiso wixii ka dhacay Badda Madow, sida uu sheegay afhayeenka arrimaha dibadda Ned Price.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan mahadcelin ah u sameeyay Guddoonka Golaha Shacabka iyo Guddiga Joogtada ah

Next Post

Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida oo xukun dil ah ku fulisay sedax dhagar qabe

Next Post
Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida oo xukun dil ah ku fulisay sedax dhagar qabe

Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida oo xukun dil ah ku fulisay sedax dhagar qabe

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Ciidamada Cirka ugu hambalyeeyay sanad-guuradoodii 66-aad ee aasaaskooda

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Ciidamada Cirka ugu hambalyeeyay sanad-guuradoodii 66-aad ee aasaaskooda

February 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa Hambalyo u diray Ciidanka Cirka ee XDS oo maanta...

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM

February 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO():-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM , oo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay doorashooyinka Qof iyo Cod ee dalka laga horgeliyay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay doorashooyinka Qof iyo Cod ee dalka laga horgeliyay

February 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in doorashadii Qof iyo Codka ee ka dhacday...

Safiirka JFS ee dalka Koonfur Africa oo kulan la qaatay Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed ee dalkaas

Safiirka JFS ee dalka Koonfur Africa oo kulan la qaatay Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed ee dalkaas

February 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(KOONFUR AFRIKA):-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Koonfur Afrika, Mudane Maxamad Sheekh Isxaaq, ayaa kulan ballaaran oo is-xogwaraysi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In