Cutubyo ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, NISA iyo Booliska maamulka Hirshabeelle ayaa deegaanka Ceelcadde oo hoos taga degmada Balcad kusoo qabtay shan qof oo ku howlanaa ka ganacsiga maan dooriyaha iyo hub qoryo fudud ah.
“Waxaan soo qabannay14 dheri oo lagu kariyo Qamriga nooca loo yaqaan Calaqa, Jiirigaannadii lagu shubayay iyo laba qori oo Ak 47 ah iyo raggii lagu soo qabtay,mana ogolaan doonno in halkan lagu sameeyo calaq, xashiish iyo baqti umana dulqaadan doonno”
Taliyaha Booliska degmada Balcad, G/dhexe Xuseen Macallin Cabdulle ayaa u mahad celiyay qeybaha kala duwan ee Ciidamadii ka qeyb qaatay howlgalka iyo dadka degaanka Ceel cadde oo gacan ka geystay soo qabashada kooxaha ka ganacsada maandooriyaha.