Shirka wadatashiga ballaarinta Idaacadaha Dowlad Federaalka, Dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa maanta ka furmay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland.
Furitaanka shirka waxaa ka qeyb galay madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daaโuud Aweys Jaamac iyo xubno ka socda maamul gobolleedyada dalka.