Thursday, August 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Ciyaaraha Soomaaliya oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Masar 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
March 19, 2023
in Wararka
0
Wasiirka Ciyaaraha Soomaaliya oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Masar 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo ka qeyb-galaya isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo shirka 46-aad ee wasiirrada Dhallinyarada iyo cayaaraha wadamada Jaamacadda Carabta oo ka furmay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa shir doceed muhiim ah la yeeshay dhiggiisa Masar Dr Ashraf Subxi oo ah xilligan madaxa golaha Wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha ee dalalka Jaamacadda Carabta.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud iyo Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha Masar Dr Ashraf Subxi, ayaa ka wada hadlay iskaashi dhex mara labada Wasaaraddood ee dhinacyada kobcinta iyo tababarrada dhallinyarada iyo horumarinta garoomada cayaaraha, iyadoo dowladda Masar ay ka tageerayso wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya tababaridda dhallinyaro la barayo xirfado kala duwan iyo koorsooyin gaa-gaaban.

Related posts

Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

August 14, 2025
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Laamaha amniga Muqdisho oo soo saaray War-saxaafadeed

August 14, 2025

Kulanka labada wasiir waxaa ka qaybgelay agaasimaha guud ee Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo saraakiil kale oo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka tirsan.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeedin doona shirka Wasiirrada dhalinyarada iyo cayaaraha ee wadamada Carabta oo ka furmay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya.





 

 

Previous Post

Wasaaradda Maaliyadda XFS oo xeer nidaamiye ka soo saartay Lacagaha laga qaadaayo adeegyada Maxkamaddaha

Next Post

Somali Prime Minister receives newly appointed Ambassador of Ethiopia

Next Post
Somali Prime Minister receives newly appointed Ambassador of Ethiopia

Somali Prime Minister receives newly appointed Ambassador of Ethiopia

Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

August 14, 2025
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa guddoomiyey kulanka sanadlaha ee Garsoorayaasha Heer Federaal iyo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha...

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Laamaha amniga Muqdisho oo soo saaray War-saxaafadeed

August 14, 2025
0

Ciidamada Amniga ee Caasimadda Muqdisho ayaa saaka aroortii hore howlgal isugu jira xaqiijinta amniga iyo la-dagaallanka hubka sharci-darrada ah ka...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah

August 14, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah iyo Hindise...

Saddex ka tirsanaa Khawaarijta oo saaka lagu fuliyay xukun dil ah

Saddex ka tirsanaa Khawaarijta oo saaka lagu fuliyay xukun dil ah

August 14, 2025
0

Waxaa saakay aroortii hore ayaa lagu fuliyay xukun dil ah oo toogasho ah tiirka cadaaladda ee magaalada Muqdisho, kadib markii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In