Tuesday, September 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Maaliyadda XFS oo xeer nidaamiye ka soo saartay Lacagaha laga qaadaayo adeegyada Maxkamaddaha

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Maaliyadda XFS oo xeer nidaamiye ka soo saartay Lacagaha laga qaadaayo adeegyada Maxkamaddaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Maaliyadda oo kaashaneysa hoggaanka Hey’addaha Garsoorka ayaa xeer ka soo saartay Ajuurada (Lacagaha) laga qaadaayo adeegyada Maxkamaddaha iyo Khidmada Diiwangelinta Qareennada.

Kaddib kulan wadashiti ah oo ay yeesheen Wasiirka Maaliyadda,Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka, iyo Ururka Qareennada, ayaa waxaa ay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay Xeer-nidaamiye ka soo saartay Ajuurada (Lacagaha) laga qaadaayo adeegyada garsoor oo ay bixiyaan Maxkamaddaha Dalka, Khidmada Diiwangelinta iyo Midda Sanadlaha ee laga rabo Qareennada.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026
Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

September 1, 2026

“Maanta waa maalin taariikhi ah, maadama Wasaaradda Maaliyaddu, oo si dhaw ula shaqaynaysa hoggaanka Hay’addaha Garsoorka, wada-tashina la yeelatay Ururka Qareennada, ay soo saartay Xeer-nidaamiyaha Ajuurada Maxkamaddaha, iyo Khidmada Diiwangelinta iyo Midda Sanadlaha ah ee Qareennada”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda,  Dr. Cilmi M. Nuur.

Xeer-nidaamiyahaan ayaa waxa uu si cad u qeexayaa khidmaddaha lagu dabaqaayo adeegyada kala duwan ay bixiyaan Maxkamadaha, cidda mas’uul ka ka ah ururinta khidmadahaan iyo sidoo kale koontooyinka bangiyada ee lagu shubayo.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in bixinta khidmadahaan ay muwaadiniinta u sahli doonta in ay u furtaan galal,dacwadaha ay qabaan, walibana ay fursad u helaan in dacwadahoodu ay dhagaystaan saraakiisha garsoor ee awoodda u leh.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale sheegay in si loo dhiirigaliyo Xirfadda Qareennimada ay ku soo biiraan xirfadlayaan qareenno ah oo cusub, hoos loo dhigay khidmada diiwangelinta ee laga rabo qareennada cusub, iyadoo laga dhignay $ 300 dollar,halka markii hore ay ka ahayd $500 dollar.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegtay in la hubin doono in Xeer-nidaamiyuhu u shaqeeyo hab wax ku ool ah, walibana ay Waaxda Canshuuraha Berriga ee Wasaaradda ayaa si joogto ah u korjoogteeyn doonta qaabka loo ururiraanayo khidmadaha la xeeriyay, iyadoo warbixin bille ah loo soo gudbin doono Wasiirka Maaliyadda.

Previous Post

Madax ka kala socda Falastiin iyo Isra’iil oo ku kulmay Masar

Next Post

Wasiirka Ciyaaraha Soomaaliya oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Masar 

Next Post
Wasiirka Ciyaaraha Soomaaliya oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Masar 

Wasiirka Ciyaaraha Soomaaliya oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Masar 

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa deeq gargaar raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo nugul oo ku nool magaalada...

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

September 1, 2026
0

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, iyadoo diiradda lagu saarayo xoojinta amniga...

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
0

Wafdi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In