Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Maaliyadda XFS oo xeer nidaamiye ka soo saartay Lacagaha laga qaadaayo adeegyada Maxkamaddaha

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Maaliyadda XFS oo xeer nidaamiye ka soo saartay Lacagaha laga qaadaayo adeegyada Maxkamaddaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Maaliyadda oo kaashaneysa hoggaanka Hey’addaha Garsoorka ayaa xeer ka soo saartay Ajuurada (Lacagaha) laga qaadaayo adeegyada Maxkamaddaha iyo Khidmada Diiwangelinta Qareennada.

Kaddib kulan wadashiti ah oo ay yeesheen Wasiirka Maaliyadda,Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka, iyo Ururka Qareennada, ayaa waxaa ay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay Xeer-nidaamiye ka soo saartay Ajuurada (Lacagaha) laga qaadaayo adeegyada garsoor oo ay bixiyaan Maxkamaddaha Dalka, Khidmada Diiwangelinta iyo Midda Sanadlaha ee laga rabo Qareennada.

Related posts

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

November 1, 2026
Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026

“Maanta waa maalin taariikhi ah, maadama Wasaaradda Maaliyaddu, oo si dhaw ula shaqaynaysa hoggaanka Hay’addaha Garsoorka, wada-tashina la yeelatay Ururka Qareennada, ay soo saartay Xeer-nidaamiyaha Ajuurada Maxkamaddaha, iyo Khidmada Diiwangelinta iyo Midda Sanadlaha ah ee Qareennada”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda,  Dr. Cilmi M. Nuur.

Xeer-nidaamiyahaan ayaa waxa uu si cad u qeexayaa khidmaddaha lagu dabaqaayo adeegyada kala duwan ay bixiyaan Maxkamadaha, cidda mas’uul ka ka ah ururinta khidmadahaan iyo sidoo kale koontooyinka bangiyada ee lagu shubayo.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in bixinta khidmadahaan ay muwaadiniinta u sahli doonta in ay u furtaan galal,dacwadaha ay qabaan, walibana ay fursad u helaan in dacwadahoodu ay dhagaystaan saraakiisha garsoor ee awoodda u leh.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale sheegay in si loo dhiirigaliyo Xirfadda Qareennimada ay ku soo biiraan xirfadlayaan qareenno ah oo cusub, hoos loo dhigay khidmada diiwangelinta ee laga rabo qareennada cusub, iyadoo laga dhignay $ 300 dollar,halka markii hore ay ka ahayd $500 dollar.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegtay in la hubin doono in Xeer-nidaamiyuhu u shaqeeyo hab wax ku ool ah, walibana ay Waaxda Canshuuraha Berriga ee Wasaaradda ayaa si joogto ah u korjoogteeyn doonta qaabka loo ururiraanayo khidmadaha la xeeriyay, iyadoo warbixin bille ah loo soo gudbin doono Wasiirka Maaliyadda.

Previous Post

Madax ka kala socda Falastiin iyo Isra’iil oo ku kulmay Masar

Next Post

Wasiirka Ciyaaraha Soomaaliya oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Masar 

Next Post
Wasiirka Ciyaaraha Soomaaliya oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Masar 

Wasiirka Ciyaaraha Soomaaliya oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Masar 

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

November 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gamal Maxamed Hassan, oo ay weheliyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda,...

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In