Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 09 Juun 2026 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta daah-furay dib-u-habeyn iyo dayactir lagu sameeyay Kaydka Radio Muqdisho, si loo dardargeliyo badbaadinta iyo casriyeynta dhaxalka maqalka ee taariikhiga ah ee Soomaaliya.

Daah-furka waxaa Wasiirka ku wehliyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasimaha Radio Muqdisho iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee kaydka iyo makiinadaha dib loo dayactiray ee lagu farsameynayo canjaladaha taariikhiga ah.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Agaasimaha Radio Muqdisho, Codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Daahir Jayte, oo madasha ka hadlay, ayaa ka warbixiyay marxaladihii uu soo maray dib-u-dayactirka iyo casriyeynta kaydka baaxadda weyn ee Radio Muqdisho. Wuxuu rajo ka muujiyay in tallaabadan ay bilow u noqoto casriyeyntii ugu ballaarneyd ee lagu sameeyo kaydka, maadaama madaxda Wasaaraddu ay ka go’an tahay in keydka loo beddelo nidaam dijitaal ah (Digital Archive).

Wasiirka ayaa sheegay in dayactirka iyo dib-u-habeyntan ay tahay horudhac muhiim u ah dadaal ballaaran oo Wasaaraddu ku casriyeynayso Kaydka Radio Muqdisho, si loo ilaaliyo loona badbaadiyo kumannaan canjaladood oo xambaarsan taariikhda, dhaqanka iyo xusuusta qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa bogaadiyay howl-wadeennada Radio Muqdisho iyo shaqaalaha Kaydka, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibbaaraan dadaallada lagu dardargelinayo casriyeynta canjaladaha kaydka, si jiilasha mustaqbalka ay uga faa’iideystaan dhaxalkan qaran.

Wasiirku wuxuu uga mahadceliyay UNESCO iyo Barnaamijka JFIT ee Dowladda Japan taageerada ay ka geysteen qiimeynta Kaydka Radio Muqdisho, dib-u-habeynta makiinadaha iyo qalabka kaydka, iyo taageerada Barnaamijka “Memory of the World” (Xusuusta Dunida).

Wasiirka ayaa xusay in makiinadaha dib loo dayactiray ay yihiin bilow wanaagsan, balse aysan weli ku filnayn baaxadda weyn ee canjaladaha taariikhiga ah ee kaydka ku jira.

Wuxuu tilmaamay in badbaadinta iyo casriyeynta kaydku ay u baahan yihiin barnaamij ballaaran iyo iskaashi ay ka qeyb qaataan bulshada Soomaaliyeed, UNESCO iyo saaxiibbada kale ee caalamka.

Kaydka Radio Muqdisho ayaa ah hoyga ugu weyn ee lagu keydiyo taariikhda Soomaaliya tan iyo sanadkii 1951, waxaana Wasaaraddu waddaa dadaallo lagu dardargelinayo casriyeynta canjaladaha iyo ilaalinta dhaxalka qaran ee ku duugan kaydkaas.








Previous Post

Wasaaradda Dhallinyarada oo war kasoo saartay arrinta Garsoore Cumar Cartan

Next Post

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

Next Post
Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In