Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud, ayaa saakay booqasho ku tagay qaar kamid ah xarumaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ku yaala Magaalada Muqdisho.
Booqashada Agaasimaha, ayaa daarneyd dhiiragelinta ardayda wax ka barata Jaamacadda Ummadda iyo u kuurgalidda xaaladda ay wax ku baranayaan, maadama ay jaamacadda tahay hay’adda kaliya ee dadweyne ee bixisa waxbarasho sare oo lacag la’aan ah.
Agaasimaha guud,ayaa ardayda sanadka u dambeyso ku jira la wadaagay muhiimadda ay leedahay fursadda ay heleen ee ah in ay wax ku bartaan canshurta laga soo qaado shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Agaasimaha, ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Jaamacaddda Ummadda Dr. Xasan Mahad-allah ayaago kawada hadlay hiigsiga Jaamacadda iyo sidii loo soo saari lahaa jiil ku qalabeysan aqoon, hal-abuur iyo wadaninimo sidoo kale na leh kartidii ay xal ugu raadin lahaayeen caqabadaha horyaalla dowladnimada