Xiriirka ka dhaxeeya bulsho, sharci iyo hab dhaqan sharci si loo fahmo sharci waxaa loo baahan yahay in la dul istaago xiriirka ka dhaxeeya bulshada, sharciga iyo hab dhaqanka (system). Qofna keligiis ma noolaan karo, qof kasta wuxuu u baahan yahay inuu la noolaado dad kale, oo uu kala kaashado wax ka qabashada baahidiisa faraha badan. Waxaa meel wada dega dad isku Dhaqan, isku Diin, isku Hiddo, isku Luuqad, isku dhiig ah.
Dadka meel ku wada nool, waxay u baahan yihiin hab dhaqan sharciyeed oo habeeya noloshooda si ay u hiigsadaan himilooyinkooda, si loo ilaaliyo inaan qofna qofka kale ku xadgudbin, waxaa jira xoogag habeeya nolosha Insaanka, oo ka siman ilaalinta wixii bannaan in la sameeyo, iyo xaraantinimeynta wixii xun oo aan wanaagsaneyn in la sameeyo. Kala soocidda waxa fiican iyo waxa xun, waxay sugayaan xasilloonida bulshada, iyo nabad kuwada nolaashaha.
Sharciga wuxuu u kala baxaa noocyo kala duwan, sida dastuurka dalka looga dhaqmo, iyo shuruucda noocyadiisa kala duwan oo Baarlamaanku ansixiyo kadibna Madaxweynaha Jamhuuriyadda saxiixo, si loo daboolo baahiyaha kala duwan ee loo qabo sharciga, oo guud ahaan marka leysku duubo isugu biyo shubta system ama habdhaqan sharci (legal system).
Bulsho kasta oo meel wada deggan haddii uusan jirin habdhaqan sharci oo habeeya ama haga wada nolaashahooda, waxay gelayaan xaalad fowdo ah, wada noolaashaha dadka, iyo horumarka dalkana aad iyo aad ayey u adkaanayaan. Ummad kasta oo meel deggan markii ay sameystaan sharciyo waxay noqonayaan dad leh habdhaqan haga xiriirkooda bulsho, siyaasad iyo dhaqaale. Waxaa laga hadli karaa Dawlad marka la helo dad, dhul iyo habdhaqan sharciyadeed oo wada socda.
Dadka Soomaaliyeed waa dad Taariikh ahaan dhaqan iyo xeerar wanaagsan leh, inta aysan soo gaarin Diinteena Suuban Islaamka taasoo iyana sii xoojisay dhaqanka wanaagsan ee dadkeena, waana bulsho ku adag ku dhaqanka sharciga diininga ah iyo xeerarka hoose aanan ku horimaaneynin Diinta Islaamka.
Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa bud dhig u ah shareecada Islaamka, waana waxba kama jiraan xeer kasta oo ku hor imaanaya Diinteena suuban ee Islmaaka sida ku cad Dastuurka dalka, iyadoo xeer kasta la waafajinayo kan Dastuurka dalka oo isna adkeeyey Diinteena Suuban ee Islmaaka.
Hadaan u soo daadago dulucda Warbixintan ayaa ah muhiimadda 11-ka sharci ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud saxiixay dhawaan ee uu Baarlamanka dalku meelmariyay, kuwaas mid kasta bulshada dhan wanaagsan ka kaabaya oo waxtar wayn u leh dalka iyo dadka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu ku saxiixay sharciyada ay ansixiyeen Labada Gole ee Baarlamaanka ee kala ah:
1 .Sharciga La-dagaallanka Argagixisada.
2. Sharciga Dhismaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed
3 .Sharciga Socdaalka
4. Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha
5. Sharciga Nidaamka Lagu Hagayo Kheyraadka Dhulka Hoostiis,
6. Sharciga Dhowrista Maalgashiga iyo Maalgashadayaasha,
7. Sharciga Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.
8. Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidaan oo kale u saxiixay Sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman, Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) iyo Sharciga Korontada Qaranka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Golayaasha kala duwan ee dowladda iyo khubarada Soomaaliyeed ee soo diyaariyey shuruucdan, waxa uuna tilmaamay in ay taariikh cusub u tahay dowladnimada Soomaaliyeed, maadaama ay yihiin sharciyadii ugu badnaa ee muddo kooban lagu ansixiyo, taas oo muujinaysa muhiimadda wadashaqeynta Hay’adaha dowladda.
Shuruucdan 11-ka ah ee mid kasta muhiimaddiisa gaarka leh ayaa dadka u dhuun doloola xaalka guud ee dalka aaminsan in dhamaan sharciyadan ku soo aadeen waqti baahi wayn bulshada Soomaaliyeed u qabtay, waxayna ku sifeeyeen kuwa bulshada mid Diin ahaan, Dhaqanka, dhaqaale iyo Siyaasadba kaabaya maadaama midkasta uu la xiriira sal u dhigidda hanaanka nolol ee dadkeena iyo dalkeena.
Aqoonyahanno badan ayaa ku baaqaya in bulshada si wanaagsan loo gaarsiiyo sharciyada la meelmariyay oo buugaag iyo majalado suuqyada laga heli karo laga dhigo, maadaama iyagu yihiin kuwa loogu aadeegayo, taaso sahleysa in dadka ku dhaqmaan ixtiraamaana sharci kasta, sidoo kale dadka ajaaniibta uga akhristaan si ayaguna wax uga oogaadan sharciyada dalka.
Marka la iskuu duubo hanaanka hadda dowladda Soomaaliyeed dalka ku hageyso, waxaa muuqato Soomaali cusub oo taariikh dhif iyo naadir ah sameynayso, duninada u direyso fariin ka duwan tii hore ee aheyd dowlad is haysta oo horay u socon, taasoo hadda u muuqata mid golayaasha kala duwan ee dowladda ka dhaxeeya hanaan shaqo oo ku dhisan Isla-xisaabtan adag.
Ugu dambeyn dowlad jirta wax ka yar hal sano meelmarisayna shuruucdan 11-ka ah ee aan kor ku xusnay oo dhamaan muhiimka u ah dowlad dhiska dalka ayaa laga filan karaa wax ku cusub taariikhda dhibka lahayd ee dalkeennu ku jiray wax ka badan sodon-kii sano ee la soo dhaafay, waxaana looga fadhiyaa fulinta ku dhaqanka sharciyada aanan dhaafsiisneyn buugaagta loona badalo ku dhaqan oo halbeeg adag u noqda dowladnimada Soomaaliyeed.
SONNA