Agaasimaha Caafimaadka gobolka Banaadir Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud ayaa maanta koormeer shaqo ku tagay xarumo Caafimaad oo ku yaalla degmooyinka C/Casiis iyo Yaaqshiid.
Xarumaha uu koormeerka ku tagay waxaa ka mid ahaa Foraniini Hospital oo ku yaalla degmada C/Casiis iyo Xarunta Hooyo iyo Dhallaanka Juungal ee degmada Yaaqshiid.
Kormeerka Agaasime Dr. C/raxmaan ayaa ahaa u kuurgalidda howlaha Caafimaad, baahiyaha ka jira iyo sidii loo laba jibaari lahaa adeegyada Caafimaad ee Shacabka Caasimadda u baahan yihiin.
Agaasimaha waxaa koormeerka ku wehlinayay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada degmada Yaaqshiid Cabdullaahi Shiiloow iyo Guddoomiye ku-xigeenka Siyaasadda degmada Yaaqshiid Sowdo Maxamed Gaaboow.