Tuesday, May 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka oo Isbitaalka Banaadir ku booqday Hooyo Afar gabdhood oo mataano ah dhashay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka oo Isbitaalka Banaadir ku booqday Hooyo Afar gabdhood oo mataano ah dhashay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeekka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa booqday Hooyo Soomaaliyeed oo Afar Gabdhood ku dhashey maanta Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir.

Wasiirka ayaa gaarey durba Isbitaalka si uu ula socda Xaaladda Hooyada Soomaaliyeed ee Alle Subxaanahuu Watacaalaa ku Arsaaqey Afarta Gabdhood, waxa uuna dhaqaatiirta waraystay xaaladda Caafimaad Hooyada iyo Carruurteeda isagoo warbixin ku saabsan xaaladdooda ka dhageystay Agaasimaha Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir Dr Fartuun Shariif iyo dhaqaatiirtii sida gaarka ah ugu adeegayey Hooyada iyo Carruurteeda.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Talyaaniga ee Soomaaliya

May 18, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

.Bayaan ka soo baxay Dowladda oo lagu taageeray Boqortooyada Sacuudiga

May 18, 2026

Wasiirka Caafimaadka Dr Cali Xaaji Aaden ayaa Gabdhaha Mataanaha ah u bixiyey Magacyo waxa uuna u kala bixiyey Qamar iyo Zahra oo lagu kala Samiyey Marwooyinka Qaranka, halka labada kalena loo bixiyay Fartuun oo iyadu lagu samiyey Agaasimaha Isbitaalka Hooyadda iyo Dhallaanka ee Banaadir Dr Fartuun Shariif iyo Xalwo oo loogu magacdaray Umulisadii Hooyo Maryan Maxamed Xasan ka dhalisey Carruurta.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Hooyo Maryan ku wareejiyey Hadiyad hordhac ah oo uu ugu talagaley farxadda Hooyada Soomaaliyeed ee heshey hadiyadda Alle ee Mataanaha ah, waxa uuna ballan qaadey in ay ka warqabi doonaan oo ay si dhow ula socon doonaan Xaaladda Caafimaad ee Hooyada iyo Carruurteeda.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa waajib ka saaran ilaalinta iyo badqabka Caafimaad ee Muwaadinka Soomaaliyeed meelkasta oo uu ka joogo Dalka, waxayna sii laba laabi doontaa horumarinta Caafimaadka iyo sidii Muwaadiniinta Soomaaliyeed u heli lahaayeen adeeg Caafimaad oo bilaash ah isla markaana gaara goob kasta.







Previous Post

Hooyo Soomaaliyeed oo 4 mataanno ah ku dhashay Isbitaal Banaadir

Next Post

Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo howlgallo ka fuliyay deegaanno dhaca Koonfurta Gobalka Mudug “SAWIRRO”

Next Post
Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo howlgallo ka fuliyay deegaanno dhaca Koonfurta Gobalka Mudug “SAWIRRO”

Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo howlgallo ka fuliyay deegaanno dhaca Koonfurta Gobalka Mudug "SAWIRRO"

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Talyaaniga ee Soomaaliya

May 18, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

.Bayaan ka soo baxay Dowladda oo lagu taageeray Boqortooyada Sacuudiga

May 18, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa isku dayga weerar ee loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kaas oo...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Safiirka Turkiga iyo saraakiil kale

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Safiirka Turkiga iyo saraakiil kale

May 18, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Muqdisho ka daah-furay tababarka macallimiinta Booliiska Soomaaliyeed

Wasiirka Amniga Gudaha oo Muqdisho ka daah-furay tababarka macallimiinta Booliiska Soomaaliyeed

May 18, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga daah-furay tababarka macallimiinta Ciidanka Booliiska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In