Degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe oo dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta ayaa dowladdu ka hirgalisay Layrarka Cadceedda ku shaqeeya.
Magaaladaan oo 4 bilood xor ka ah gacanta Khawaarijta waxaa hada ka socda horumaro kala duwan, waxaana dib loo howlgaliyay xurumaha Cafimaadka, Dugsiyada Qur’aanka iyo Saldhiga Booliska.
Qeybaha bulshada magaalada ayaa soo dhaweeyay in magaalada laga hirgeliyay nalalka ku shaqeeya cadceedda.